Qarax gaari ayaa goor dhaw waxa uu ku dhacay afaafka hore ee maqaaxida London Gate oo ku dhaw xarunta Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhejiska ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray xildhibaan C/wali Maxamed Ibraahim oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle, islamarkaana ku geeriyooday qaraxaasi.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa waxa ay sheegeen in sidoo kale qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir uu ku dhaawacmay ruux kale oo shacab ah.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna wadaan baaritaan la xiriira cida falkan ka dambeysay.

Sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa waxaa ka buuqday burbur xoogan, maadaama qaraxa kadib gaariga uu dab ka kacay.

Masuuliyiinta laamaha ammaanka iyo Madaxda maamulka Hirshabeelle weli kama aanay hadlin qaraxan lagu dilay xildhibaanka ka tirsanaa Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kadib markii dhawaan ay galeen fasax laba bilood ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR