Saxeexa da’yarka kooxda SL Benfica iyo xulka Portugal ee Joao Felix ayaa u muuqda mid xilli horeba ay ku kala guuleysteen kooxihii badnaa ee safka dheer ugu jiray waxaana uu haatan qarka u saaran yahay inuu noqdo xiddig Atletico Madrid ah.

Da’yarkan ayay doonayeen kooxo badan oo ay kamid ahaayeen Manchester City, United, Juventus iyo Real Madrid balse kooxda tababare Diego Simeone ayaa haatan u muuqata mida tartankii lagu jiray ku guuleysatay.

Wargeyska ree Portugal ee Record oo ah midka warkan soo tabiyay ayaa sheegaya in Joao uu haatan ku sugan yahay magaalada Madrid sidoo kalena waxa si buuxda usoo xigtay MARCA oo fadhigiisu yahay isla magaaladaas.

Atletico ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso dhammaan 120-ka Milyan ee lagu burburin karayay heshiiska 19 jirkan waxaana sidoo kale ay ilo wareedyo kala duwan oo Portugal ka imanayaa ay xusayaan in Felix uu mushahar ahaan 6 Milyan u heli doono sanadkii.

Kooxda inta ugu badan dhawaanahan lala xidhiidhinayay Felix tartanka ugu weyna ugu soo jirtay ayaa ah kooxda Pep Guardiola ee Manchester City balse waxa uu u muuqdaa mid haatan iskaga leexanaya wadadooda.

Sky Blues ayaa dhigayay qorshe cusub oo ay kaga hormari karaan kooxaha kale oo ahaa inay Benfica ka iibsadaan da’yarkan kaddibna iyaga qaab amaah ah ku siiyaan.

Mid kamida sababaha ugu waaweyn ee ku qasbanaya Atletico inay lasoo saxeexato da’yarkan oo waliba lacago waali ah ku qiimaysan ayaa ah bixitaanka Antoine Greizmann kaas oo si rasmi ah u sheegay inuu xilli suuqan kooxda ka tagi doono.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR