(Moscow) 13 Juunyo 2018 Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ku dhawaaqay tababarihii ay ku buuxin lahaayeen booska Julen Lopetegui.

Kadib ra’yi uruurin uu sameeyay xiriirka kubadda cagta Spain waxaa la isku raacay in Fernando Hierro uu layliyo xulka Spain koobka adduunka.

50 jirkaan si rasmi ah looguma magacaabin tababaraha xulka Spain, laakiin waxaa loo dhiibay xulka inuu layliyo kaliya inta uu socdo koobka adduunka.

Saacado yar ka hor ayaa si lama filaan ah xulka looga cayriyay tababarihii laylinayay mudooyinkii dambe ee Julen Lopetegui.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR