Qarax Miino ayaa deegaanka Dhanaane oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Taliyaha qeybta 12-ka April iyo Abaanduulihiisa.

Gaari ay la socdeen ayaa waxaa qabsatay miino lagu aasay wadada dhinaceeda, sida ay inoo sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

Kolonyadan qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay ka yimaadeen Shabeellaha Hoose, waxayna ku soo jeedeen magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inay ku geeeiyoodeen Taliyihii qeybta 12-ka April Cumar Dheere iyo Abaanduulihii ciidanka xoogga qeybta 12-ka April Cabdi Cali Jamaame.

Waxaa la sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen qaar ka tirsan ciidankii la socday saraakiishan la bartilmaameedsaday.

Ciidan gurmad ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamadan qaraxa lala eegtay.

Ciidanka xoogga dalka ayaa bilaabay hawlgal lagu raadinayo raggii ka dambeeyay weerarkan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa kordhiyay qaraxyada miinada ay la eeganayaan ciidanka xoogga dalka tan iyo markii Mareykanka uu laba jibaaray duqeymaha uu ka fulinayo gobolada dalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR