Paris Saint-Germain ayaa cadeysay waxa ay ka dooneyso Barcelona haddii uu Neymar iyaga ku laabanayo ka dib markii wakiilada labada kooxood ay maanta ku kulmeen magaalada Paris.

Agaasimaha kooxda Barcelona Eric Abidal wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u duulay France si ay wadahadal u la yeeshaan dhigooda kooxda Faransiiska.

Sida uu sheegay wariyaha jariirada u dhow Barcelona Mundo Deportivo ee lagu magacaabo Marcal Lorente, PSG ayaa sheegtay inay doonayaan Philippe Coutinho, Ivan Rakitic iyo lacag kaash ah si uu Neymar ugu laabto Camp Nou.

Lama sheegin cadadka lacagta kaashka ah ee ay dalbatay kooxda Faransiiska.

“Kulankii u dhaxeeyay Barcelona iyo PSG, waxaa la sheegay in kooxda reer Paris ay dalbatay Coutinho, Rakitic iyo lacag si ay u iibiyaan Neymar” ayuu Lorente ku soo qoray bogiisa Twitter.

Barcelona ayaa haatan si rasmi ah u ogsoon waxa ay tahay inay sameeyaan si ay u soo ceshtaan Neymar kaasoo aan mustaqbal ku laheyn PSG islamarkaana doonaya inuu ku laabto La Liga.

Real Madrid ayaa sidoo kale xiiseyneysa 27 jirkaan laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu doorbidayo inuu dib ugu noqdo Barcelona.

Taageerayaasha Barce;lona ayaa ku kala qeybsan in Neymar uu dib ugu soo laabto kooxdooda, laakiin waxaan la beenin karin tayada xididga reer Brazil.

Weerar afar geesood ah oo ka kooban Neymar, Lionel Messi, Luis Suarez iyo Antoine Griezmann ayaa qalqal gelin kara difaacyada Yurub, waxaana ay Barcelona siin kartaa fursad weyn oo ay ku qaadaan Champions League.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR