Laacibka Khadka Dhexe ka dheela ee Naadiga ka dhisan dalka Shiinaha ee Guangzhou Evergrande, Paulinho ayaa wuxuu si cad usheegay inuu kusoo wajahan yahay camaaliqadda dalka Spain, ee Barcelona.

Maanta oo Sabti ah ayay aheyd kadib markii ay soo shaac baxaday in wiilkaan uu kusoo wajahan yahay Kooxdaan, islamarkaana uu imaan doono maalinka Berito ah, sida aynu kusoo baahinay xogteenii hore.

Paulinho, ayaa wuxuu Barcelona ku imaan doonaa aduun dhan 40 Malyuun, isagoona saxiixi dooona sida la warinayo shan sano oo heshiis ah, waxaana Laacibkaan uu noqon doonaa saxiixii Afaraad ee Naadigaan.

In Xiddigaan uu kusoo biiro Barca ayaa waxay uga dhigan tahay inuu noqonayo mid bedal wanagsan unoqon doono Andares Iniesta, kaasoo kooxdaan anan udheeli karin Daqiiqaddo aad ubadan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR