Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in ay billowdo dhageysiga racfaan la doonayo in xabsiga looga sii daayo dhakhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyay in uu dilo hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusama Bin Laden.

Maxkamadda sare Peshawar ayaa maanta dhageysan doonto dacwadda Shakil Afridi, waana markii ugu horreysay oo dacwaddaasi lagu dhageysan doono meel caadi ah oo dadka u furan.

Dhakhtarkaasi ayaanan waligii si rasmi ah dacwad loogu soo oogin doorkii uu ku lahaa hawlgalkii sanadkii 2011-kii lagu bartilmaameedsaday Bin Laden oo ahaa ninka aadka uu Mareykanka u doondoodnayay.

Dr Afridi ayaa waligii ku doodayay in loo diiday in uu helo caddaalad.

Xarigiisa ayaa waxaa ka dhashay muran weyn kaa oo sababay in Mareykanku uu kaalmadii dhaqaale ka jaro dalkaasi Pakistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2016 xilli uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday in Dr Afridi la soo dayn doono laba daqiiqo gudahood haddii isaga la doorto, haseyeeshee taasi ayaanan wali dhicin.

In kastoo dhakhtarkaasi gudaha Mareykanka looga aqoonsan yahay halyay geesi ah, dadka reer Pakistan intooda badan waxay u arkaan khaa’in waji gebax ku riday dalkiisa. Ciidamada Mareykanka ayay u suurtagashay in ay yimaadaan gudaha dalka Pakistan oo ay dilaan Cusama Bin Laden oo waliba ay meydkiisa qaataan iyaga oo aan wax dhibaato ah arrintaasi kala kulmin.

Waxaa dilka Bin Laden ka dhashay su’aal ah milatariga dalkaasi Pakistan miyuu wax ka ogaa joogitaanka Bin Laden ee gudaha dalkaasi Pakistan.

Muxuu yahay Shakil Afridi?

Dr Afridi ayaa ah dhakhtar ka hawlgali jiray degmada uu qabaa’ilka maamulo ee Khaybar, waxa uuna ahaa madaxa adeegyada caafimaad ee mas’uulka ka ahaa mashruucyo tallaal oo Mareykanka uu maalgeliyay.

Maadaama uu ahaa shaqaale dowladeed, waxa uu billaabay mashruuc dadka looga tallaalayo cudurka cagaarshowga. Meelaha uu mashruucaasi ka fulinayay waxaa ka mid ah magaalada ay ciidamadu deggan yihiin ee Abbottabad, halkaasi oo markii dambe ay caddaatay in Bin Laden uu ku noolaa oo ay ciidamadu ka war qabeen.

Qorshaha mukhaabaraadka Mareykanka ayaa ahaa in ay baaraan hidasidha mid ka mid ah carruurta ku nool gudaha magaalada Abbottabad si baaritaankaasi loogu ogaado in ay ehel la yihiin Bin Laden iyo in kale.

Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah hawlwadeennada la shaqeeya Dr Afridi uu booqday guriga uu deganaa Bin Laden oo uu cannug ka soo qaaday dhiig balse lama xaqiijin karayo in dhiigaasi uu sahlay in mukhaabaraadka Mareykanka ay ogaadaan in Cusama uu halkaasi ku nool yahay iyo in kale.

Dr Afridi ayaa xabsiga la dhigay 23-kii May 2011, waa muddo 20 maalmood ah ka dib markii la dilay Bin Laden. Waxaa la rumeysan yahay in xilligaasi uu ku jiray da’da afartameeyada.

Wax badan lagama oga nolashiisa gaarka ah balse waxaa la ogyahay in uu ka soo jeedo qoys ladan isla markaana uu ka soo qalin jebiyay mac’hadka caafimaadka ee Kheybar sanadkii 1990. Qoyskiisa ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii Dr Afridi la xiray, waxayna ka baqayeen in kooxaha mintidiinta ahi ay soo weeraraan.

Xaaskiisa ayaa intii aysan dhuuman ahayd maamulaha iskool ay leedahay dowladda. Dr Afridi ayaa xilligaasi haystay laba wiil iyo gabar, kuwaasi oo hadda ah qaan gaar.

Bishii Janaayo ee sandkii 2012, saraakiisha Mareykanka ayaa shaaciyay in Dr Afridi uu la shaqeynayay mukhaabaraadka Mareykanka.

Balse lama xaqiijin karayo waxa uu ka ogaa shaqada uu u hayay sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Sida lagu sheegay baaritaan ay sameysay dowladda Pakistan, Dr Afridi waxba kama uusan ogayn cidda uu bartilmaameedku ahaa markii uu billaabayay shaqada CIA-da.

Maxaa lagu haystaa?

Inkastoo markii hore lagu soo eedeeyay khiyaano qaran, haddana Dr Afridi ayaa xsaanadkii 2012 lagu xukumay 33 sano oo xabsi ah balse markii dambe ayaa 23 sano lagu soo koobay ka dib racfaan uu ka qaatay xukunkaasi.

Dr Afridi ayaa lagu helay dambi ah in uu aasaasay koox islaami ah oo lagu magacaabo Lashkar Al-Islaam oo dalkaasi Pakistan mamnuuc ka ah.

Dr Afridi ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiyay dagaalyahannada kooxdaasi isla markaana uu mintidiinta kooxdaasi u ogolaaday in ay shirar ku qabsadaan gudaha cusbital ay dowladda leedahay oo uu isaga madax ka ahaa.

Qoyskiisa ayaa dhammaan eedeymahaasi beeniyay waxaa qareennada u doodayay ay sheegeen in lacagta kaliya ee uu siiyay kooxdaasi ay ahayd mid madax furasho ah oo gaareysa 6,375 doolar oo uu naftiisa ku badbaadinayay ka dib markii sanadkii 2008 ay qafaasheen mintidiin ka tirsan kooxdaasi.

Sanadkii 2012 ayaa sida la sheegay wuxuu mar la hadlay telefishinka Fox News, wuxuuna u sheegay in ay qafaasheen sirdoonka Pakistan isla markaana ay jirdil ku sameeyeen.

Muddo sanad ah ka dib, Dr Afridi waxaa u suurtagashay in waraaq uu gacanta ku soo qoray uu soo gaarsiiyo qareennadiisa, waxa uuna u sheegay in loo diiday caddaalad.

Maxaa loogu soo eedeyn waayay in uu Mareykanka ka caawiyay dilka Bin Laden?

Arrintaasi ma cadda, balse arrintaasi Bin Laden ayaa ah wajigabax ku noqotay dowladda Pakistan.

Inasktoo mas’uuliyiinta reer Pakistan ay aad uga caroodeen waxa ay ku tilmaameen xad gudub lagu sameeyay madax-bannaanidooda, haddana sirdoonka Pakistan ayaa qirtay in aysan waxba ka ogayn in Cusaama Bin Laden oo ahaa hoggaamiyaha Al-Qaacidda uu halkaasi ku noolaa muddo sanado ah.

John Brennan oo xilligaasi ahaa madaxa la dagaalanka argagixisada ee Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in la yirahdo Bin Laden wuxuu halkaa ku noolaa muddo isaga oo aan gacan ka heleyn maamulka dalkaasi, eedeyntaasi oo xukuumadda Islamabad ay beenisay.

Balse in Dr Afridi loo maxkamadeeyo in uu gacan siiyay Mareykanka ayaaba sumcad ahaan uga sii dari lahayd dowladda Pakistan.

Maxaa hadda loo maxkamadeynayaa?

Maxkamadeynta Dr Afridi ayaa loo cuskanayaa sharci gooni u ah deegaannada qabaa’ilka uu ka taliyo ee ku yaal xudduudda dalalka Pakistan iyo Afqaanistaan.

Maxkamadaha deegaanadan oo ay qabaa’ilku maamulaan ayaa waxaa guddoominaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda waxaana gacan siinaya odeyaal dhaqameedyada qabaa’ilka. Hannaankan maxkamadeed ayaa la sheegayaa in uu aad u baal marsan yahay hannaanka caddaaladda ee dalkaasi.

Maxkamadeynta noocaasi ah ayaa ah sida kaliya ee dowladda Pakistan ay ku maxkamadeyn karto Dr Afridi, si looga qariyo shacab weynaha dalkaasi.

Balse saandkii hore ayaa la isku daray maamulka degaannada qabaa’ilka maamulo iyo maamulka dowlaiga ah ee gobolka Kheybar, taa oo ka dhigan in dhammaan kiisaskii ay dhageysanayeen maxkamadaha qabaa’ilka loo soo wareejiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalkaasi Pakistan.

Maxkamadeynta Dr Afridi ee maanta ayaa laga yaabaa in ay horseedo in la dhimo ama la kordhiyo sanaddadii horey loogu xukumay.

Tan iyo markii sanadkii hore Dr Afridi laga sii daayay xabsi ku yaal Peshawar lana geeyay mid ku yaal Punjab, waxaa soo baxayay hadal hayn ah in dhakhtarka la sii dayn doono, gaar ahaanna lagu badalan doono Aafia Siddiqui, oo ah nin sida la sheegay Al-Qaacidda la shaqeyn jiray oo hadda u xiran Mareykanka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR