(Yurub) 19 Sebt 2019. Waxaa xalay lasoo gabagabeeyay kulamadii furitaanka lugta koowaad wareega group-yada ee tartanka xiisaha badan Champions League xilli ciyaareedkan 2019/2020 ee lasoo ciyaaray maalmihii Talaadada iyo Arbacada.

Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay soo daawanay 16 kulan aad u xiiso badan ee ah furitaanka heerka grou-yada tartanka Champions League.

Shabakada caalamiga ah ee Squawka ayaa daabacay shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii furitaanka lugta koowaad wareega group-yada ee tartanka Champions League laga ciyaaray toddobaadkan.

Ángel Di María ayaa hogaaminaya shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray Champions League, kaddib markii uu 2 gool ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Real Madrid, xilli kulankan uu ku soo idlaaday 3-0 ay guusha ku raacday PSG.

Si la mid ah Barcelona ayaa shaxdan ku yeelatay hal ciyaaryahan kaasoo ah goolhaayaha reer Germany ee Ter Stegen, kaddib markii uu kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro kulankii ay la ciyaareen Borussia Dortmund, kulankii ka dhacay garoonka Signal Iduna Park ee ku dhamaaday barbaro 0-0 ah.

Dhinaca kale kooxda Ajax ayaa shaxdan ku yeelatay 3 ciyaaryahan, halka Man City aysan ku yeelan wax ciyaaryahan ah, inkastoo ay guul ka gaareen naadiga Shakhtar Donetsk.

Haddaba xiddigaha ku soo baxay shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii laga ciyaaray toddobaadkan Champions League ayaa kala ah:

Goolhaaye: Ter Stegen (Barcelona)

Daafac: Kieran Trippier (Atletico Madrid), Mats Hummels (Borussia Dortmund), Joël Veltman (Ajax), Nicolás Tagliafico (Ajax).

Khadka dhexe: Edson Álvarez (Ajax), Thiago Alcântara (Bayern Munich), Ángel Di María (Paris Saint-Germain), Mislav Oršić (Dinamo Zagreb).

Weerarka: Hwang Hee-chan (Salzburg), Erling Braut Haaland (Salzburg).

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR