Kooxda Man City ayaa garaacday Kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka Premier League kana dhacay garoonka Selhurst Park.

Goolal ay dhaliyeen Raheem Sterling (2) iyo Gabriel Jesus ayaa City ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah oo ay si weyn ugu baahnayd si ay ugu sii jirto tartanka horyaalka.

Xiddiga reer England ee Raheem Sterling ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa u ah nasiib fiican kulamada uu u ciyaarayo.

Marka laga yimaado goolasha uu u dhaliyo kooxdiisa Raheem Sterling ayaa ah nasiibka kooxdiisa Man City xilli ciyaareedkan iyada oo aan laga badin kulamada uu goolka u dhaliyo.

Kooxda Man City ayaa guul gaadhay mid kasta oo ka mid ah 26-kii kulan ee premier League uu Raheem Sterling gool u dhaliyay taas oo muujinaysa nasiibka ay City ku leedahay xiddiga reer England.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR