Gool dhaliyaha kooxda Atletico Madrid ee Diego Costa ayaa soo bandhigay sababtii uu xidigii ay isku kooxda ahaayeen Antoine Griezmann ugu biiray Barcelona.

Diego Costa iyo Antoine Griezmann ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay ku midaysnaa weerarka kooxda Atletico Madrid laakiin waxa uu xidiga reer France go’aan ku gaadhay in uu Camp Nou u wareego.

Antoine Griezmann ayaa 120 milyan yuro ugu soo wareegay Barcelona wuxuuna Costa sheegay in sababta dhabta ah ee uu Camp Nou ugu wareegay ahayd sidii uu Lionel Messi iyo Luis Suarez uga garab ciyaari lahaa.

Ilaa hadda Antoine Griezmann ayaan helin fursad uu riyadiisa ku rumeeyo iyada oo Lionel Messi uu dhaawac ku maqnaa saddexdii kulan ee ilaa hadda laga soo ciyaaray horyaalka La Liga.

SIDOO KALE AKHRISO:  Muxuu Jürgen Klopp Ka Yidhi Natiijada Ay Kooxdiisa Liverpool Ka Heshay Isku Aadkii UEFA Champions League?

Inkasta oo uu Antoine Griezmann warbaahinta usheegay in Lionel Messi aanu la soo xidhiidhin markii uu Barca u saxiixay isla markaana uu Suarez ahaa xidigii uu soo dhawaynta ugu badan ka helay, haddana Costa ayaa xaqiijiyay in Griezmann uu Messi dartiisa ugu soo biiray Barca.

Diego Costa oo soo bandhigaya sababtii dhabta ahayd ee Griezmann uu Barcelona ugu biiray ayaa yidhi: “Riyadiisu waxay ahayd in uu Messi iyo Suarez ka garab ciyaaro”.

“Waxaynu dhamaanteen ognahay ciyaaroyga uu Griezmann yahay, ka ciyaartoy ahaan waxaad markastaba doonaysaa in aad tijaabo samayso waana wax caadi ah in uu doonayay in uu halkaas ka ciyaaro oo uu isku dayo in uu arko haddii uu ciyaartoy muhiim ah u noqonayo sidii uu Atletico ku ahaa” ayuu Costa hadalkiisa raaciyay.

SIDOO KALE AKHRISO:  YAAB: Neymar Ma Jacaylkan Oo Dhan Ayuu Barcelona U Qabay? Dareenkiisii Markii Ay Madaxda Barca La Xidhiidheen Sabtidii & Sidii Uu Oohinta U Qabsaday Oo La Shaaciyay.

Diego Costa oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Griezmann waxa uu doonayay wax cusub taas oo uu Barca ku haysto. Anigu iskumaan dayin in aan isaga ku qanciyo in uu sii joogo, laakiin haddii uu i waydiin lahaa, waxaan u sheegi lahaa in ay qasab tahay in qof kastaaba uu waxyaabo kala duwan ku noolaado”.

Costa oo bixitaanka Griezmann barbar dhigaya markii uu isba Chelsea u wareegay ayaa yidhi: ” Waxaan u baxay Chelsea markii aan arkay waqtigii ay ahayd in la baxo, ka bixitaanka kooxi lama micno ah in aanad u mahad celinayn kooxda, kaliya waxaa imanaya waqtigii aad ku noolaan lahayd khibrado kale duwan”.

SIDOO KALE AKHRISO:  AFAR Saxeex Oo Haddii Man United Ay Helo Lahayd Tartamayaal Dhab Ah Ka Dhigi Karayay Balse Ay Xagaagii Seegtay Oo La Ogaaday & Sababaha Kala Duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Griezmann ayaa rajaynaya in Lionel Messi iyo Luis Suarez ay taam u noqdaan kulanka Valencia ee Camp Nou markaas oo uu riyadiisa kaga dhabayn karo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR