(Juventus) 10 Agoosto 2018. Douglas Costa ayaa kalsooni weyn ka muujiyay in Cristiano Ronaldo uu kooxda Juventus ka dhigi doono mid qaas ah xiliyada soo aadan.

Ronaldo ayaa ku yimid kooxda Juventus  aduun dhan 100 milyan euro, wuxuuna saxiixay heshiis ilaa iyo 2022 , isla markaana uu sanadkii mushaar ahaan  u qaadan doono 30 milyan euro.

“Juventus waxay noqotay koox heer sare ah, Ronaldo wuxuu leeyahay awood dhan kasta ah ee ina siin karta qaab ciyaareed qaas ah, waa ciyaaryahan muhiim ah, sidoo kale Paulo Dybala”.

“Wax dhibaato ah iguma noqoneyso inaan ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo  sababtoo ah waxaan lasoo ciyaaray ciyaartoy waaweyn sida Neymar Jr oo kale”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR