Iyadoo maalinta berri ay ku beegan tahay maalinta Koowaad ee Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayaa dowladda Federalka Somaliya waxa ay ka digtay in la furo maalintii goobaha laga cunteeyo.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Khayrow Xasan ayaa sheegay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’addaha ammaanka dowladda inay farayaan in aanan la arki karin goob maqaayad ah oo furan.

Wuxuu sheegay goobtii la arko, iyadoo cunto lagu karinaayo Bisha Ramadaan oo ay isugu tagaan dadka masoomayaasha ah in tallaabo laga qaadi doono.

“Waxaa mamnuuc ah in iyada oo Ramadaan tahay maqaayadfaha maalinkii la furo laguna kariyo cunto, waxaan maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka jira ka codsaneynaa in ay la xisaabtamaan dadka falalkaas geysta, way shaqeysan karaan maqaayadaha afurka ilaa saxuurta.” Ayuu yiri Xoghaye Kheyrow.

Inta badan Bisha Ramadaan waxaa dhacda goobo maqaayado ah oo si dhuumasho ah wax loogu kariyo in lagu arko Magaalada gudaheeda, taasi oo ay wax ka cunaan dadka masoomayaasha ah.

Hay’addaha ammaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa tallaabo ka qaadista dadka masoomayaasha ah ee caadada ka dhigta inay wax cunaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR