Hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa manta soo saartay warbixin taabaneysa “dhibaatooyiinka ay wajahayaan wariyayaasha Soomaaliya” iyo sida ay dowladda “ula dhaqanto”.

“Waxaan ku nool nahay cabsi aan dhammaad lahayn” ayaa warbixinta cinwaan looga dhigay, taas oo laga soo xigtay saxafiyiin ay hay’adda la hadashay.

Weriye farxiya Muraad oo ka howlgasha magaalada Muqdisho oo warbixintan akhrisay, waxay BBC Somali u sheegtay:

Haddaba qodobadda ugu muhiimsan ee warbixinta waxaa ka mid ah: “Markii dad ay ka cabanayaan dowladda oo dhankeeda aad raadisid waad weyneysaa. Waxaad ku qasbanaaneysaa in aad sii deyso, markii la arkana ay markaas ku soo raadiyaan oo ay ka hadasho”.

Warsaxaafadeed dowladda ay kaga jawaabtay arrintan ayaye ku tiri: Dowladda waxay si buuxda uga warqabtaa masuuliyaddeeda ah difaacidda xuquuqda qof kasta ee xorka ah iyo amniga shakhsiga”.

1. Isticmaalka warbaahinta iyo baraha bulshada

Soomaaliya waxaa ku yaalla warbaahin aad u badan oo isugu jira idaacado, telefishinno iyo bogag internet-ka ah, kuwaas oo ay leeyihiin shaqsiyaad, ganacsiyo ama dad shurako noqday.

Hay’adda Amnesty International waxay sheegeysaa in muddadii ay Soomaaliya colaadda ku jirtay, warbaahint ay markasta dayaacad ahaan u adeegsadeen dhammaan dhinacyada is haya iyagoo akhbaar u gudbinayay bulshada.

“Labaduba, Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda, dagaalkooda qeybaha xiriirka bulshada, waxay u adeegsadaan warbaahin si ay u gudbiyaan waxa ay u arkaan guulo militari iyo in dhinacba dhanka kale uu ka baahiyo xumaan iyadoo la faragelinayo macluumaadka saxda ah ee bulshada ay heli lahayd, sida tirada qasaaraha”, ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxay intaa ku dartay: “Saxafiyiin, ololeeyayaal iyo khubaro warbaahin caalami ah, waxay Amnesty International u sheegeen in weriyeyaal badan oo ka shaqeeya Soomaaliya aysan ahayn xirfadla-yaal, iyadoo ay ka sii dareyso halista ay iyaga iyo warbaahinta kale wajahayaan iyo bay’adda aadka u siyaasadeysan”.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in dowladda hadda jirta ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo “ay si wayn u adeegsatay baraha bulshada si ay u maareyso waxa bulshada ay ka doodayaan iyo sheekooyiinka, iyo sidoo kale in shuruucda iyo agandaha siyaasadda dowladda ay u baahiyaan”.

Warka arrintan jawaabta u ah ee ka soo baxay wasaaradda warfafinta Soomaaliya waxaa lagu yiri: Qeybeheeda cadaaladda si degdeg ah ayay uga falceliyaan rabshada ay soo gudbiso dowladda Soomaaliya, wayna sii wadeysaa ka jawaabidda dhammaad akhbaaraadka la xiraara xadgudubka ka dhanka ah xriyadda hadalka”.

2. Xadgudubka online-ka iyo iyo xakameynta ama maamulidda baraha bulshada

Baraha Bulshada ee Soomaaliya, dad badan ayaa u adeegsada in ay ku faafiyaan fikradahooda, kuwaas oo aan laga sii baahin karin warbaahinta kale ee shuruucda leh.

Iyadoo taas ay meesha ku jirto, dad badan waxaa u fududaatay baahinta in warar is diidan, sida warbixinta ku xusan. “Maamulka waxay si dhow u turxaan bixiyaan doodahaas baraha bulshada ka dhacaya”.

Hay’adda Amnesty International waxay sheegeysaa in “dowladda ay sameysatay koox la socota baraha bulshada oo ku sugan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo sidoo kale la socda warbixinnada dowladda dhaliilaya”.

“Saxafiyiin iyo dadka dowladda dhaliila sida hoggamiyeyaasha mucaaradka ayaa la handadaa, la cabsigeliyaa laguna xadgudbaa taas oo madax dowladda ka tirsan ay kala kulmaan, waxaana taa sabab u ah xirfaddooda saxaafadeed ee baraha bulshada”, ayaa ku xusan, warbixinta maanta soo baxday ee Amnesty International.

Saxafiyiinta qaar oo la hadlay BBC ayaa sheegay in “dhowr goor laga soo wacay xafiisyada dowladda lagana dalbaday in ay baraha bulshada ka saaraan macluumaad ay dowladda ku dhaliilayeen.”

“Waxaan ogaanay in ay jiraan weriyeyaal la dilay mudadii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay oo ay dileen Al Shabaab iyo askarta dowladda, in Dowladda Federaalka ay hor istaagtay in saxafiyiinta ay helaan maclumaad ku filan, xarig sharci darro ahna lagu la kacay” ayuu yiri Cabdullaahi Xassan oo ah cilmi baare ka tirsan hey’adda Amnesty International.

Sidoo kale kuwa Amnesty la hadlay waxay tilmaameen in “lagu xadgudbay lana handaday ka dib markii warar dowladda ka dhan ah ay ku baahiyeen barahooda bulshada”.

“Hal weriye ayaa amnesty International u sheegay in lagu qasbay inuu shaqadiisa ka tago ka dib markii siyaasi mucarad ah uu ku taageeray bartiisa shaqsi ee facebook,” sida ay hay’adda qortay.

Warsaxaafadeedka dowladda waxaa ku qoran: “Tan iyo markii aan awoodda la wareegnay, 2017-kii, wuxuu maamulkeeda xil iska saaray yareynta dacwad ku oogidda iyo eedeynta saxafiyiinta iyo warbaahinta”.

Balse, saxfi kale ayaa hay’adda u sheegay: “Waxaa isoo wacay qof aan garanayo oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta. Wuxuu ii sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda la socodka baraha bulshada. Wuxuu i weydiiyay sheeko aan ka sameeyay qof bajaajle ahaa oo la dilay. Ka dib wuxuu ii kexeeyay xarunta booliska oo wasaaradda ka soo horjeedda. Waxaa la i geeyay qol, waxaana la ii keenay dukumiintiyo ku saabsan farriimeheyga baraha bulshada. Waxay i weydiiyeen in qaar ka mid ah aan tirtiro, waana tiray sababtoo ah waan ka baqay.”

“Baraha Bulshada waxay bedelayaan warbaahinta caadiga ah, iyagana way adeegsadaan. Balse in lacag lagu siiyo dad si ay u weeraraan kuwa kale sida siyaasiyiinta caanka ah ee Baraha Bulshada, waa xeelad ku cusub Soomaaliya”, ayuu yiri saxafi kale oo la hadlay Amnesty International.

3. Faafreebka iyadoo laaluush iyo handadaad la adeegsanayo

Sida ay hay’adda sheegtay, weriyeyaal, saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, ururada bulshada rayidka ah, hogaamiyeyaasha mucaaradka iyo shaqaale hore ee dowladda in ay Amnesty international u sheegeen in muddadii u dhexeysay dhammaadkii 2017-kii illaa bilowgii 2019-kii, in saraakiisha dowladda ay laaluushayeen warbaahinta, agaasimeyaashooda iyo tafatirayaasha, iyo kuwa caanka ku ah baraha bulshada ee gudaha iyo dibadda dalka ku sugan.”

“Laaluushka ay sheegeen waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha”, ayaa lagu yiri warbixinta.

“Qof agaasime ka ahaan jiray warbaahin oo aad loo garanayo ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu bil kasta lacagta laaluushka ah ka soo qaadan jiray xafiisyada saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha,” sida ay qortay Amnesty International.

“Sidoo kale, weriyeyaal ayaa ku qasbanaaday in ay shaqadooda ka tagaan oo aaday warbaahin aan dowladda lacag ka heli, halka kuwa kalena shaqada laga ceyriyay ka dib markii ay diideen in faafreen shaqsiyadeed lagu sameeyo.”

“Xubin sare oo ka tirsan dowladda ayaa dalbaday in shaqada laga tiro saxafiyiin dhaliilayay dowladda oo dhowr warbaahin ka shaqeynayay.”

Qoraalka wasaaradda warfaafinta waxaa lagu sheegay: “Dowladda federaalka waxay si adag u beenineysaa ayna iska fogeyneysaa eedaha laaluushka ee warbaahinta gaarka ah, waxayna eedahaas u arkeysaa been ula kac ahoo lagu marin habaabinayo bulshada”.

Cabdullaahi xasan oo qoray warbixintan wuxuu BBC Somali u sheegay: “Dowladda Federaalka waxay laaluush siisay warbaahinta waaweyn ee ka hawgala gudaha dalka, waxaana laaluushkaas bixiya xafiiska Madaxwyenaha, waxayna siinayeen qaar kamid agaasimiyaasha warbaahinta waaweyn, arrintaas na waxay keentay in uu dhaco faaf reeb iyo in sidoo kale weriyeyaasha ka hawgalayay idacaadahaas ay dhib ku noqoto inay tebiyaan warar aysan raali ka ahayn madaxdooda.”

Farxiyo Muraad oo ah saxafi ka howlgasha Muqdisho waxay sheegtay: “Ma heli kartid wasiir ama taliye. Cid kula hadleysa oo xog ku siineysa ma jirto. Taas caqabad wayn ayay nagu noqotay.”

Wasaaradda Warfaafinta waxay sheegeysaa in “sare ay u qaadeen xiridda iyo dacwad ku oogidda saraakiisha dowladda ee lagu helo in ay si xun ula dhaqmeen saxafiyiin”.

Balse, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo aan la magacaabin ayaa hay’adda u sheegay in dowladda hadda “ay wajahday mucaaradad aad u adag oo kaga timid siyaasiyiinta jawaabtana waxay ahayd in la weerraro, galaangal iyo xakameynna lagu yeesho warbaahinta iyadoo la laaluushaya.”

Maxamed Ibraahim Cusmaan “Bulbul” ayaa BBC Somali u sheegay: “Waxaa suuragal ah in war aad sameysay uu dhibsado qof awood leh. Waxaan caqabad kala kulmay warbixin aan ka sameeyay garoonka kubadda cagta ee Muqdisho oo mar Al-Shabaab ay joojiyeen shaqadii ka socotay ee dib u dhiska”.

“Hadda dhibaatada ugu badan waxaan kala kulannaa booliska oo saxafiyiinta is hortaag ku sameeya marka aan rabno in aan ka soo warranno goobaha ay dhacdooyiinka ka jiraan,” ayu hadalka ku daray Bulbul.

Wasaaradda waxay ku doodeysaa in ay ka shaqeynayaan “sare u qaadidda xiriirka ka dhexeeya saxaafadda, bulshada, booliska iyo dowladda.”

Waxay dowladda Federaalka ah dhowr goor qabatay kulamo wax ku ool ahaa oo ay la yeelatay saxaafadda, dadka u ololeeya madaxbannaanidooda, maamulayaasha iyo milkiilayaasha”.

4. Sida loola dhaqmo warbaahinta iyo weriyeyaasha

Hay’adda warbixintan soo saartay waxay sheegtay in dowladihii isku soo bedelay dalka Soomaaliya ay ku xadgudbeen xuquuqda saxafiyiinta iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Warbixintii Guddiga Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ ee 2019-kii, waxay muujisay in markii shanaad oo isku xigta oo Soomaaliya ay ugu saro martay dalalka lagu dilo saxafiyiinta ayna ka cararaan kuwa kale oo ka baxsanaya in la dilo.”

Amnesty International ayaa sheegeysa in “maamullad Soomaaliya aysan aalaaba baaritaan ku sameyn kiisaska la xiriira dilalka saxafiyiinta.”

“In meesha ay ka maqnaadaan baaritanno dhab ah iyo sii socoshaha xadgudubka iyo handadaadda waxay sababayaan in warbaahinta ay is ilaaliyaan”.

Hay’adda ayaa sheegtay in gabdhaha saxafiyiinta ah ay si gaar ah u wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin xakameyn bulsho iyo dhaqanka, dhibaato ku saabsan jinsigooda, xakameyn dhanka warar helidda ah.

Farxiyo Muraad oo ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa BBC Somali u sheegtay: “Markaan sameynayo warbixin oo dhanka dowladda aan wax uga baahdo, waxaa igu adkaaneysa in qof dowladda ka tirsan uu iiga jawaabo su’aalaha aan qabo”.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diiddan waxa ku qoran warbixintan waxay tiri: “Waxay dulmartay dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya, waxayna dooratay muujinta tiro yar oo kiisas ah si go’aan waxyeeleyn leh ay u gaarto”.

5. Xakameynta war helidda

Saxafiyiin ku sugan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxay hay’adda u sheegeen in xubno sare oo ka tirsan dowladda sida saraakiisha amniga “in ay u diideen in ay siiyaan macluumaadka la xiriira waxyaabaha bulshada danta ugu jira, in loo diiday wareysiyo iyo in ay galaan dhismayaasha dowladda, sida baarlamaanka.”

Sidoo kale waxay hay’adda sheegtay in saxaafadda laga hor istaago in ay helaan warar sax ah oo la xiriira goobaha ay weerarrada ka geystaan Al-Shabaab.

Waxay soo xigteen Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog, kaas oo sheegay in si joogto ah ay weriyeyaasha ugu adkaaneyso in ay helaan macluumadka iyo wararka ay dowladda uga baahan yihiin.

“Maamulka way og yihiin in saxafiyiinta sida aniga aan su’aalo adag weydiineyno, marka way ii diideen inaan ka qeybgalo munaasabadaha muhiimka ah ee dowladda. La iima ogola inaan galo dhismeyaasha dowladda sida villa Somalia,” ayuu u sheegay Amnesty International.

Bishii April ee sannadkii la soo dhaafay, sida uu sheegay madaxad adeegga gurmadka degdegga ah ee Aamin Ambulance, Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Aaden “waxaa laga joojiyay in ay tagaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan iyo in dowladda ay ogeysiiyaan ka hor inteysan gurmad sameyn”.

Hay’adda Amnesty International oo arrintaas soo qaadatay waxay tiri: “Xafiiska madaxweynaha iyo maamulka gobolka Banaadir waxay Amin Ambulance ku amreen in aysan weriyeyaasha la wadaagin tirada dhimashada ka dhalata weerrada Al-Shabaab ee Muqdisho.”

Sidoo kale waxay xustay in bishii October 2019-kii, in saraakiisha dowladda ay saxaafadda u diideen in ay galaan dhismaha baarlamaanka iyagoo sheegay in meeshu ciriiri tahay.

“Si kastaba, dhowr saxafi iyo dadka warbaahinta u ololeeya waxay sheegeen in taasi ay ahayd tallaabo kale oo lagu xakameynayay akhbaarta laga helo dowladda,” ayaa ku xusan qoraalka.

Farxiya Muraad waxay tiri: “Markaad u baahato in aad wareysato (saraakiisha dowladda) waxay dhahayaan mashquul baan ahay, waxaadna dareemeysaa in cabsi ay jirto oo dhanka masuuliyiinta dowladda ah maadaama ay xadidaad badan ay jirto”.

Hay’adda waxay sheegtay in ay la hadashay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, maxamed cabdi Xayir maareeye oo sheegay: “Wasaaradda kama warhayso xaddidaadda wararka ee 2018 illaa 2019.

Wuxuu intaa ku daray: “Waxaa jiro dhacdooyiin yar oo saxafiyiinta loo joojiyay arrimo amnigooda la xiriira.

Balse, warsaxaafadeedka ay wasaaradda warbixintan uga jawaabtay waxay ku sheegtay: “Inta badan kiisaska (53%) ee lagu qeexay warbixinta ma ahan kuwo sax ah oo ah kiisaska xuriyadda saxaafadda, mana jirto caddeyn mid ah oo lagu xoojiyay waxan la dhoodhoobay.”

“Tusaale ahaan, dhibanayaasha la sheegay ee xadgudubkaas la kulmay, looma eegan shaqadooda warbaahineed. Qaar ka mid ah dhibanayaasha laga warramay wey been abuureen kiisaska si ay megengelyo uga helaan dalalka Yurub”, ayaa ku qoran warka ka soo baxay dowladda.

6. Waxyaabaha ay Amnesty International ay ku talineyso

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ballan qaaday in dhammaan “xadgudubyada ka dhanka ah warbaahinta aan loo dul qaadaneyn”.

Balse, warbixintan waxay madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula talisay in uu qaadi tallaabooyiin uu ku xaqiijinayo in baaritaan dhameystiran lagu sameeyo saraakiisha xafiiskiisa ka tirsan ee “sida joogtada ah u laaluusha xarumaha warbaahinta iyadoo ujeedadu tahay in la helo in warar fiican oo keli ah in la sheego.

“Waana in la xajoojiyo in qof kasta oo looga shakiyo inuu masuul ka yahay la hor keeno cadaalladda iyadoo dacwad sax ah lagu oogayo”, ayaa ku xusan qoraalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayay hay’addu ka dalbatay in saraakiisha dowladda iyo xoogga amniga lagu amro in saxafiyiinta iyo saxaafadda loo ogolaado helidda wararka dowladda ku saabsan iyadoo aan la xadideyn in ay galaan xarumaha dowladda iyo wareysiyada ay uga baahan yihiin madaxda xafiisyada dowladda maamula.

Sidoo kale Baarlamaanka waxaa loo sheegay in si degdeg ah ay dib ugu eegaan sharciga hordhaca ah ee sxafaadda , xeerka ciqaabta, iyo dhamaan qodobada wax u dhimaya xuriyadda hadalka, iyo in sharciga la waafajiyo dastuurka Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty International waxay beesha caalamka ka dalbatay in “dowladda ay ku cadaadiyaan xushmeynta, difaacidda., horumarinta iyo fulinta madaxbannaanida warbaahinta, xuquuqda saxafiyiinta, ololeeyayaasha, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dadka kale ee arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR