(Chelsea) 11 Okt 2018. Xidiga kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa markale ka hadlay wararka xanta ah ee lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid suuqa bisha January ee soo aadan.

Eden Hazard oo haatan 27 sano jir ah, ayaa xaqiijiyay inuusan ku fekereynin inuu ka tago kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea xilli ciyaareedka soo aadan.

“Waxaan ka hadlay waqtiyo badan mustaqbalkeyga, laakiin doorashada iiguma jirto in aan Chelsea ka dhaqaaqo bisha January ee soo aadan”.

“Real Madrid waa kooxda ugu fiican aduunka, ma doonayo inaan been ka sheego, waa riyadeyda tan iyo caruurnimadeyda”.

Waxaa xusid mudan in Eden Hazard uu ilaa iyo haatan xili ciyaareedkan hogaaminayo gooldhalinta horyaalka Premier League, wuxuuna soo dhaliyay 7 gool, xili uu Blues si weyn kaga caawiyay in dhanka hogaanka ay kala mid noqdaan kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR