Imaanshaha Philippe Coutinho, ee Barcelona, ayaa waxay noqotey mid Taariikhi ah, kadib markii uu noqdey xidigii ugu qaalisanaa oo ay lasoo wareegto Barcelona, isagoona looga soo iibsadey Liverpool, aduun dhan 192 Malyuun oo Dollar.

Kubad-sameeyihii hore ee Liverpool ayaa wuxuu yahay aad looga tabi doono Premier League, waxaa sidaa sheegay Eden Hazard, oo udheela Difaacayaasha horyaalka ugu xiisaha badan aduunka ee Chelsea.

Isagoo wareysi siinayay Telefishinka beIN Sports, islamarkaana ku sugnaa kulan ciyaareed ka tirsan NBA-da Mareykanka, kaasoo udhaxeeyay kooxaha Celtics iyo Philadelphia, oo London ka dhacay Khamiistii ayaa laga wareystey arrinkaan.

Eden Hazard reacts to Philippe Coutinho's incredible Barcelona transfer

Wuxuu yiri, Hazard: “Coutinho inuu doorto imaanshaha [Kooxda] Barcelona ma ahan daacad hadaan uhadlno mid xun, mana ahan mid uu xun yahay dookhiisa, laakiin waxay uxun tahay horyaalka Premier League.

Wuxuu intaas ku daray: “Waa ciyaaryahan cajiib ah, waxaana isaga hor imaaney kulamo badan oo kala duwan iyo tartamo kala duwan ah, waxaana uu kamid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka [EPL].

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Wuxuu noqon karaa midka ugu wanaagsan, hadii uu si fiican uga faa’ideysto fursado uu haysto, waxaana uu hadaba kamid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR