(Yurub) 22 Maajo 2020.Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez ayaa sheegay in xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard uu ku guuleysan karo abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or, isagoo joogo Los Blancos.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, wareysi uu bixiyay tababare Roberto Martínez, isagoo ka hadlayey Eden Hazard ayaa wuxuu yiri:

“Eden Hazard wuu ku guuleysan doonaa Real Madrid, mararka qaar waxaad u baahantahay bilow adag oo kooxdaada cusub ah, si aad u siiso wax walba oo aad awoodo, isla markaana aad u ogaato cabirka kooxda aad u ciyaareyso sida Real oo kale”.

“Taageerayaasha waxay dareemi karaan deganaan, sababtoo ah Eden Hazard wuxuu waayo qurux badan ku qaadan doonaa Real Madrid, ma jiro ciyaartoy la mid ah isaga, wuxuuna ku guuleysan karaa Ballon d’Or”.

“Aad ayuu ugu faraxsan yahay uguna qanacsan yahay, wixii uu gaaray, dhammaanteenna bini-aadam ayaan nahay” ayuu yiri macalinka xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE