(Russia) 13 Juunyo 2018. Inkastuu Maxamed Saalax la safray xulka Masar ee ka dagay Ruushka misane waxaa weli shaki wayn ku jira inuu si buuxda uga soo muuqan doono Koobka Adduunka.

Sawirro la helay ayaa muujinaya Xiddiga Liverpool oo gooni tababarka loo siinayo xilli uu Koobka adduunka ka harsan yahay hal maalin oo qura. Taa oo walaac xoogan galisay taageerayaasha Masar

Waxaa Sawirrada ka muuqanaya iyadoo si gaar ah loogala tacaalayo garabkii uu ka dhaawacay Sergio Ramos Final kii Champions League.

Way cadahay inay weli taagan tahay dhibaatada Garabka ka heysata Maxamed oo waxaa sii horeysay mar lahelay Muuqaal isagoo iska fujinaya taageere garabka ka qabsaday waliba si aan xooganeyn mar uu ka soo duulayay Masar.

SAWIRRO:

Mohamed Salah

Mohamed Salah

Mohamed Salah

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR