Xilli Liverpool ay ku jirto qaab ciyaareed aad u wanaagsan bilawga ole’olahan, waxa ay wada adkaatay dhammaan kullamadii ay ciyaareen xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League-ga.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay Reds ka gudubtay laba tijaabo oo adag, iyagoo ka guuleystay Tottenham Hotspur iyo Paris Saint-Germain.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool waxa ay maanta soo dhoweyneysaa dhiggeeda Southampton ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Yaa ka maqan labada koox

Liverpool ayaa si buuxda u heleysa weeraryahankeeda Roberto Firmino, kaasoo isha dhaawac kasoo gaaray kullankii Tottenham, waxaana ciyaartii PSG kusoo bilawday Daniel Sturridge, inkastoo Bobby beddel uu ku yimid.

Dejan Lovren ayaa isna kasoo kabanaya dhaawac sinta kasoo gaaray, walow aanan lagu soo darin safka wajahaya Southampton, halka Alex Oxlade-Chamberlain uu dhaawac dheer ku maqanyahay.

Dominic Solanke iyo Divoc Origi ayaa tababarka kusoo laabtay, hase ahaatee galabta diyaar ma noqon karaan.

Dhanka Southampton, galabta ma ciyaari doono Danny Ings, maadaama heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo Saints u oggolaan karin inuu ciyaartan safto.

Waxaase dib ugu soo laabtay kooxdan Manolo Gabbiadini, isagoo kasoo biskooday dhaawac cajarka kaga soo gaaray tababarka.

Safafka macquulka ah ee kusoo billaaban kara

Liverpool: Alisson; Alxandre-Arnold, Gomez, Virgil, Robertson; Milner, Wijnaldum, Keita; Salah, Firmino, Mane.

Southampton: McCarthy; Cedric, Vestergaard, Hoedt, Bertrand; Elyounoussi, Lemina, Højbjerg, Redmond; Long, Austin.

Xaqiiqooyinka kullanka

Southampton saddex jeer ayay ka adkaatay 19 kii ciyaar ee ugu dambeysay booqdaan Anfield Liverpool ayaa adkaatay 10, Lixda kalena bareejo.

Liverpool ayaa afartii ciyaar ee lasoo dhaafay ee ay la ciyaaraan Southampton shabaqeeda ka ilaalsatay.

Reds ayaa raadineysa inay guusheedii lixaad oo xiriir ah ay gaaray bilawga horyaalka markoodii saddexaad taariikhda, labadii jeer oo ay horay u sameeyeen waxay ahay 1978-79 oo ay horyaalka qaadeen, 1990-91 oo ay labaad ku dhameysteen.

Liverpool ayaa guuldarro la’aan ahay 23 kii ciyaar ee ugu dambeysay Premier League garoonkooda ku ciyaaraan, iyagoo Toddobadii ugu dambeysay shabaqooda gool ka ilaalisay kullamada horyaalka Anfield ku ciyaartay.

Kullankan ayaa Jurgen Klopp u noqonayo kullankii 600-aad ee xukunka kooxda Mersyside-ka ka dhisan, waxaana horay uu u maamulay 599 ciyaar oo uu guuleystay 295 jeer, halka la garaacay 146 kullan, 158 bareejana waa uu galay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR