(Watford) 12 Agoosto 2017 Kooxaha Liverpool iyo Watford ayaa ku kala baxay barbaro 3-3 ah kadib ciyaar aad u xiiso badnayd oo ka dhacday garoonka Vicarage Road.

8-daqiio Stefano Okaka ayaa hogaanka u dhiibay Watford kadib markii uu ka faa’idaystay difaaca Liverpool oo aad u liitay ciyaartaan, wuxuuna ka dhigay 1-0.

Stefano Okaka opened the scoring at Vicarage Road after powering a header past goalkeeper Simon Mignolet

Ciyaartoyda Liverpool ayaa durbadiiba hurdada ka kacay, waxayna dadaal dheer u galeen sidii ay isaga gudi lahaayeen goolka looga hormaray.

29-daqiiqo Sadio Mane ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Liverpool kadib kubadd uu ka helay Emre Can, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

Sadio Mane provided an emphatic comeback for the visitors with a smart finish which was curled into the top corner

3-daqiiqo kadib Abdoulaye Doucoure ayaa hogaanka dib ugu soo celiyay Watford, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 oo Watford ay ku hogaaminaysay.

Qaybtii labaad, ciyaartoyda Liverpool ayaa u muuqday kuwo lagu soo canaantay qolka dharbadalka, waxayna soo bandhigeen qaab ciyaareed ka wacan kii qaybtii hore.

55-daqiiqo Roberto Firmino ayaa gool ku laad ugu soo barbareeyay Liverpool, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-2.

2-daqiiqo kadib Mohamed Salah ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool kadib kubadd fiican oo uu ka helay saaxiibkiis Roberto Firmino, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-3.

Dhamaadkii ciyaarta, daafaca Watford ee Miguel Britos ayaa wadnaha istaajiyay taageerayaasha Liverpool kadib markii uu ka dhaliyay goolka barbaraha, wuxuuna ka dhigay 3-3.

Ciyaarta ayaana sidaas ugu soo idlaatay 3-3.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR