Ergada ku sugan Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb
ee Xarunta Maamulka Galmudug, ayaa maanta waxa ay Su’aalo waydiiyeen Wasiirka
Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Wasiir Islow oo Ergada hortagay ayaa waxaa Su,aalo
badan laga waydiiyay arrimaha ammaanka deeganada Maamulka Galmudug &
qorshaha Wasaaradda Amniga Somaliya ay ugu talo gashay deeganadaasi, xilli
Shabaab ay haystaan deegaano ka mid ah maamulka Galmudug.

Su’aalaha Ergada ay waydiinayeen Wasiirka Amniga
Somaliya ayaa waxaa ka mid ah qorshaha Shabaab looga saaraayo deeganada
Maamulka Galmudug uu ka taliyo.

Wasiir Islow oo ka jawaabaayay Su’aalaha Ergada ay
waydiiyen, ayaa u sharaxay qorshaha dhanka ammaanka & horumarada laga
gaaray, waxaana uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan.

Wasiirka ayaa u sheegay Ergada in Ciidamada Xoogga
dalka Somaliya dhawaan deeganada Maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan
hawlgalo dhanka ammaanka ah, islamarkaana lagu wajihi doono deeganada Shabaab
ay maamulaan.

Al Shabaab ayaa haysta magaalooyin waaweyn oo ka mid ah
deeganada Maamulka Galmudug, mana jirto qorshe cad oo dowladda u dajisay sidii
deeganadaasi Shabaab looga saari lahaay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR