Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in rag loo maleynayo inay yihiin Al-Shabaab ay laba qof oo ahaa shaqaale samafalayaal ah ka afduubtay gobolkaasi.

Ragaan la afduubtay ayaa u kala shaqeynayay hay’adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degmada Geedweyne oo qiyaastii 30 km dhanka qorax ka soo bax kaga began degmada Dooloow.

Shaqaalaha la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).

Mas’uulyiin ka tirsan laamaha ammaanka ee Gobbola Gedo oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in labadaan qof la afduubtay xili ay ku guda jireen shaqo ay u tageen deegaanka Geedweyne ee Gobboka Gedo.

Dhanka kale wararka waxay sheegayaan in ka hor inta aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla gobbolka Gedo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR