(Chelsea) 13 Juunyo 2018. Khadka dhexe reer Spain Cesc Fabregas ayaa wuxuu ka hadlay arinta naxdinta leh ee shaqo ka ceyrinya Julen Lopetegui ee xulka qaranka Spain, maalin kahor bilaawashada koobka aduunka 2018.

Cesc Fabregas ayaa si jees jees ah kaga hadlay shaqo ka ceyrinta Julen Lopetegui kahor saacado bilaawashada koobka aduunka 2018.

Xidiga kooxda Chelsea ayaa wuxuu kusoo daabacay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka kusoo qoray qoraal uu ugu jawaab celinayay halyayga reer England ee Gary Lineker.

“Sug, waxaa laga yaabaa in la iigu yeero hadda, ka dib warka ka soo baxay shaqo ka ceyrinta Julen Lopetegui”.

Maadeysiga Cesc Fabregas ayaa wuxuu imaanayaa kadib marka laga ceeriyay Julen Lopetegui shaqada xulka qaranka Spain.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR