Advertisements


Wargayska caanka ah ee L’Équipe oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa soo bandhigay sheeko aad xaasaasi u ah waxayna soo bandhigeen xog sir ah oo ay UEFA dhexdeeda ka heleen taas oo ceeb ku ah shaxdii kooxda sanadka ee UEFA soo saartay.

Wargayska L’Équipe ayaa shaaciyay in war ay ka heleen gudaha xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ay u xaqiijiyeen in isbadal lagu sameeyay qaabkii ay noqon lahayd shaxda kooxda sanadka ee UEFA si boos loogu helo Cristiano Ronaldo.

Warkan ayaa fadeexad ku ah xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA kuwaas oo lagu eedeeyay in ay gabi ahaanba badaleen qaabkii ay ahaan lahayd shaxda kooxdii sanadka 2019 ee ay jamaahiirta kubbada u soo codeeyeen taas oo galaafatay N’Golo Kanté oo shaxdan ku soo bixi lahaa.

Markii ugu horaysay wargayska Ingiriiska ka soo baxa ee Daily Mail ayaa daabacay warbixin ay ku xaqiijiyeen in UEFA ay isbadal ku samaysay shaxda kooxda sanadka ee codbixintii jamaahiirta kubbada cagta balse markale L’Équipe ayaa warkan xaqiiqnimadiisa banaanka keenay.

Advertisements


Siday Wax U Dhaceen? Maxay UEFA Isbadal Ku Samaysay?

Sida lagu xaqiiyay warka uu L’Équipe  ka helay cid gudaha UEFA ku jirta waxaa markii hore sharci ahayd in shaxda kooxda sanadka 2019 ay u qaabaysnaato 4-3-3 oo ah afarta ciyaartoy ee difaaca ugu codka badan, saddexda khadka dhexe ugu codka sareeya iyo saddexda xidig ee weerarka ugu cod badbaada.

Laakiin markii ay UEFA ogaatay in Cristiano Ronaldo aanu ka mid noqon saddexda gool dhaliye ee ugu codka badnaa, waxay go’aan ku gaadheen in ay badalaan qaabkii shaxda ee 4-3-3 waxayna u badaleen 4-2-4 oo ah afar difaac ah, laba khadka dhexe ah iyo afar weerar ah.

Waxay tani keentay in N’Golo Kanté oo saddexda khadka dhexe ugu codka badan ku soo bixi lahaa uu booskiisa waayay halka Ronaldo oo ahaa xidiga afraad ee weerarka ugu codka badnaa uu boos ku helay shaxda qaabkeedii la badalay.

Sababtan ayaa lagu sheegay in xubnaha UEFA iyo caanimada Ronaldo ee gudaha UEFA ay keentay in Ronaldo awgii ay qaabkii sharciga ahaa ee shaxda loo dhigay isaga awgii loo badalay taas oo Kante shaxdan ka galaafatay.

Ilwareedka uu wargayska L’Équipe ka helay xogtan ee UEFA gudaheeda ah ayaa yidhi: “Wax aad u qurux badan uma muuqato, xaqiiqdii waxaa la badalay codbixinta. Caanimada sare ee uu Ronaldo ku leeyahay ururka (UEFA) dhexdiisa ayaa qasab ka dhigtay in qaabkii shaxda la badalay”.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR