Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa lagu soo warramayaa inuu maamulka kooxdiisa ka codsaday saxeexa khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice oo sidoo kale mar lala xidhiidhinayay Manchester United.

Declan Rice ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay Chelsea qudheeda kahor intii uusan u dhaqaaqin dhinaca West Ham isagoo da’yar ah.

Tan iyo wakhtigaas Rice ayaa ciyaartoy fure ah ka noqday gegida London Stadium iyadoo qaab ciyaareedkiisa dhawrkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay uu sababay in lala xidhiidhiyo kooxo badan.

Manchester United ayaa ahayd kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayay 21 sano jirkan oo ay Hammers ku qiimeeyaan lacag dhan 70 Milyan oo Pound.

Declan Rice ayaa saaxiib dhaw la ah Mason Mount oo ay Chelsea kasoo wada tirsanaayeen wakhtigiisii da’yarta Blues waxaana macquul ah inuu doorto inuu isaga kula biiro Stamford Bridge oo uusan ka bixin London haddiiba uu West Ham ka tagayo.

Rice ayaa dhawaan heshiis cusub oo wakhti dheer ah u saxeexay West Ham taas oo ka caawinaysa inay wada xaajood adag la galaan kooxda damacda balse haddiiba ay horyaalka ka dhaadhacaan dabcan waxkasta ayaa isbedeli doona iyagoo waliba haatan halis ku jira.


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE