(Russia) 24 Juunyo 2018. Kulanka oo ahaa Mid aad u xiiso badan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay xulalka Poland iyo Colombia waxaana uu kamid ahaa kulamada labaad ee Group-ka H.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso badan ee ah weerar iyo weerar celis waxaana qeybta koowaad lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminayeen xulka qaranka Poland.

Goolka xulka qaranka Poland ayaa yimid daqiiqadii 40-aad waxaana u dhaliyay difaaca kooxda Barcelona Yerry Mina, kaasoo hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1-0 kahor dhamaadka qeybtii koowaad. Kadib markii uu caawin aad u qurub badan ka helay James Rodriguez,

Labada dhinaca ayaa helay fursado dhowr ah ay shabaqa ku gaaro kareen inta ciyaarta socotay, isla markaana aan lakala marin qeybtii nasashada, balse ugu dambeyn waxaa labada dhinaca ay ku kala nasteen 1-0 uu ku hogaaminayay xulka Colombia

Qeybta labaad markii la isku soo laabtay  labada xul ayaa halkooda kasii bilaabay ciyaar aad loo jecleestay, waxayna sameeyeen kubado weerar iyo weerar celis ahaa. Xili xidigaha xulka Colombia ay aad kaga caaboonaayeen dhigooda Poland.

Daqiiqadii 57-aad ee qeybtii labaad ciyarta xulka Poland ayaa iska qasaariyay fursad uu ciyaarta kaga dhigi lahaa barbaro 1-1, kadib markii uu Robert Lewandowski iska qasaariyay fursad uu kala hor tagay goolhaayaha.

Laakiin Xulka qaranka Colombia ayaa markale neefta ku celiyay Poland kadib markii uu gool aad u qurux badan kaga shubay daqiiqadii 70-aad Radamel Falcao oo kubad dhex ka tuur ah uu ka caawiyay xidiga Juan Quintero.

Iyadoo aan meelba la gaarin Xulka qaranka Colombia ayaa la yimid goolkiisii 3-aad ee ciyaarta daqiiqadii 75-aad waxaana u dhaliyay xidiga kooxda Juventus ee Juan Cuadrado, kaasoo ciyaarta ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyn waxay ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guusha ku gaareen wiilasha xulka qaranka Colombia oo dhagta ciida u daray dhigiisa Poland.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR