(Brazil) 13 Juunyo 2018. Luiz Felipe Scolari oo horey u soo leeliyay xulka qaranka Brazil ayaa aaminsan in laacibka Real Madrid Casemiro uu yahay kan ugu muhiimsan shaxda tababare Tite.

“Waxaan u maleynayaa in ciyaaryahanka kaliya ee isbadalka ka sameyn karo Brazil uu yahay xidiga Casemiro”.

“Casemiro wuxuu isku dheeli tiray qaab ciyaareedka ciyaartoyda Brazil, taasoo siin karta Marcelo, Neymar iyo ciyaartoyda kale inay xoriyad buuxda ku dhex helaan gudaha garoonka”

Brazil ayaa ku jira Group E ay ku wehliyaan xulalka Switzerland, Costa Rica iyo Serbia, wiilasha Tite ayaa kulankooda ugu horeeya ee koobka aduunka waxay la ciyaari doonaan xulka qaranka Switzerland.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR