(Madrid) 16 Maajo 2018 Florentino Perez ayaa raba inuu lasoo wareego xidigo muhiim ah suuqa xagaaga si uu u xoojiyo kooxda uu hogaamiyo Zinedine Zidane ee Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan.

Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan 2017/2018 ku liidatay tartamada gudaha dalka Spain, kadib markii ay difaacan weesay koobka horyaalka La Liga oo xili ciyaareedkan ku guuleysatay Barcelona.

Florentino Perez ayaa qorsheenaya in uu sameeyo saxiixyada saddexda xidig ka wada xamaasha Primary League ee kala ah Thibaut Courtois iyo Eden Hazard ee ka tirsan kooxda Chelsea iyo Harry Kane oo isna hogaaminaya weerarka kooxda Tottenham Hotspur.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ayaa wuxuu doonayaa in uu isbadal xoogan ku sameeyo kooxda Los Blancos Perez ayaana doonaya inuu xidigo dhowr ah ka diro garoonka Santiago Bernabéu, waxaana la filayaa in ay qeyb ka noqdaan Bale iyo Benzema.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR