(Madrid) 16 Maajo 2018 Madaxwaynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa looga digay saxiixa xiddiga reer Brazil ee Neymar.

Qaar kamid ah xubnaha maamulka kooxda Real Madrid ayaa uga digay madaxwaynaha Real Madrid inuu kooxda keeno Neymar sida uu baahiyay barnaamijka El Chiringuito.

Image result for Perez Neymar

Xubnaha ayaa ka wal walsan dhaqan xumada Neymar ee banaanka garoonka iyo sida aabaha dhalay laacibka uu ugu lug leeyahay marwalba go’aanada wiilkiisa.

Florentino Perez wali ma qaadan go’aankiisii hore mid ka duwan kaas oo ahaa inuu la soo wareego laacibka, laakiin waxaa xaqiiq ah inuu sii joogayo PSG xiliciyaareedka dambe sida la ogaaday.

Real Madrid ayaa haysata fursad fiican oo ay uga fikiri karto arinta Neymar si kooxdu ay go’aan uga qaadato xaggaaga 2019.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR