Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in xidiga khadka dhexe ee N’Golo Kante uu dhaawac cusubi ku soo gaadhay tababarkii uu magaalada Istanbul kula qaatay kooxdiisa Blues ee ka hor finalka UEFA Super Cup.

Frank Lampard ayay dhir baaxo xoogan ku tahay in N’Golo Kante uu markale seegayo kulanka muhiimka ah ee ay Chelsea finalka UEFA Super Cup ku wajahayso Liverpool.

Frank Lampard ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha Antonio Rudiger iyo Willian kuwaas oo uu sheegay in ay kursiga kaydka oo kaliya ay soo fadhiisan karaan balse xaalada Kante ayaa sii xumaan karta.

N’Golo Kante ayaa kursiga kaydka fadhiyay kulankii ay Chelsea ceebtu ka soo gaadhay Manchester United, waxayna jamaahiirta Blues iyo Lampard filayeen in xidiga reer France uu taam u noqon karo kulanka Liverpool balse xaalad dhaawac oo cusub ayaa soo gaadhay.

Frank Lampard oo xaalada Kante ka hadlayay ayaa yidhi: ‘Kante waxa uu qabaa dhaawac yar, isaga ayaanan go’aan la gaadhi doonaa.”

Dhinaca kale Lampard ayaa cadeeyay in Antonio Rudiger iyo Willian ay xaalado kale ku jiraan wuxuuna yidhi: “Willian iyo Rudiger halkan ayay joogaan, xaalado kala duwan ayay ku jiraan. Willian kama foga in uu taam nodo, in kulan xoganaantiisu sarayso la soo dhigaa way adag tahay”.

“Todobaadka oo dhan ayuu taam ahaanshihiisa ka shaqaynayay, barri waxa uu isagu ku jiri doonaa kaydka, si la mid ah Rudigers” ayuu Lampard hadalkiisa sii raaciyay.

Frank Lampard ayaa saacadaha ka hadhsan finalka UEFA Super Cup waxa uu hubin doonaa haddii Kante uu wax fursad ah u yeelan doono in uu ciyaaro ama uu xataa kaydka soo fadhisan karo.

Laakiin in Rudiger iyo Willian ay kaydka soo fadhiisan doonaan kulanka Liverpool waxay jamaahiirta Blues siinaysaa rajada ah in ay soo laabashadoodu dhawaatay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR