Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos oo saxaafada u warramay kaddib kulankii ay hanteen tartankii UEFA Nations League ayaa banaanka keenay wax ku saabsan furayaashii guusha ee kulankaas.

Portugal ayaa Netherlands kusoo dhaweeyay gegida Estadio do Dragao waxaana ay ugu dambayn noqdeen horyaalka iyaga oo goolka madiga ah ee ay guushu ku raacday ka helay da’yarka kooxda Valencia ee Goncalo Guedes.

Santos ayaa sheegay in kulankaas ay xooga saareen xanibaada iyo inay aamusiiyaan xiddigaha khadka dhexe ee qaranka Holland gaar ahaan Frankie De Jong oo ay aaminsanaayeen inuu yahay furaha xulkaas.

Tababaraha oo ka hadlaya taatikadii ay ku joojiyeen De Jong iyo xiddigaha kale ee Holland ayaa yidhi “De Jong waxa uu caadiyan ka ciyaaraa dhinaca bidix ee u dhaw Bruno Fernandes, De Roon waxa uu ka ciyaarayay meel ku dhawr Carvalho”

“Waanu ogayn tayada xiddigahan khadka dhexe ee kooxda Dutch-ka, De Jong-na waa hal abuure weyn leh tamar”

“Waanu ogayn haddii aanu xayirno xoriyadiisa (De Jong) inaanu wax heli doono, Tilmaamaha ciyaartoydaydu waxay ahaayeen inay ciyaaraan kubadda markasta oo ay haystaan oo ay dheeli tiraan daafaceena iyaga oo il ku haynaya inay xayiraan xoriyada De Jong iyo Van Dijk”

Hanashada tartankan ayaa sharaf weyn u ah xulka Portugal oo isagu haatan kusoo guuleystay labadii tartan ee ugu muhiimsanaa ee Yurub lagu qabtay saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR