(Manchester) 08 Nof 2018. Xidiga reer Brazil iyo kooxda Manchester United Fred ayaa xaqiijiyay inuu iska diiday dalab kaga yimid Manchester City, kahor inta uusan ku biirin Red Divalis.

Fred ayaa sababta uu isaga diiday ku biirista kooxda ay daris wadaaga yihiin ee Manchester City ku sheegay inuu si xoogan ula dhacsanaa macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.

“Dhab ahaantii waxaan dalab ka helay kooxda Manchester City, waxaan isla markaas la hadlay saaxibadey halkaas ka ciyaara, waxay isku dayeen inay igu qanciyaan inaan iyaga kula midoobo Sky Blues, balse ugu dambeyntii ma aysan dhicin”.

“Waxaa helay dalabyo badan suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, laakiin waxaan go’aansaday inaan u dhaqaaqo Manchester United, waxaan u maleenayaa inaan u dhaqaaqay meesha saxda ah”.

“Jose Mourinho ayaa door weyn ku lahaa go’aankii aan ugu biiray kooxda Manchester United, ciyaaryahan kasta ee aduunka ah wuxuu doonayaa inuu ka hoos ciyaaro isaga”

“Waa nin saaxiibtinimo iyo qosol leh marka laga reebo gudaha garoonka, wuxuu nagula kaftamaa qolka labiska”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR