Ciyaar inta badan lagu kala baxay qaybtii hore ayaa goor dhow soo idlaatay, waxaana xulka qaranka England uu ku barbartay xulka Panama.

Ciyaarta oo qaybtii hore lagu kala nastay 5-0, xilligaas oo ay min laba gool dhaliyeen Stones iyo Kane oo lagu daray gool uu dhaliyay Jesse Lingard.

Markii dib la isugu soo laabtay ayaa Harry Kane waxaa uu dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta iyo goolkiisii shanaad ee koobka adduunka isagoo ciyaarta ka dhigay in 6-0 ay hooggaanka ku qabtaan ka hor inta uusan goolka calanka u dhalinin Filipe Baloy.

Xulka qaranka ee England ayaa hadda heysta lix dhibcood iyagoo kullankii hore kasoo baxsaday xulka qaranka ee dalka Tunisia, balse waxaa lix dhibcood la wadaaga xulka Belgium oo ay wada ciyaari doonaan kullanka 3-aad ee Group-ka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR