Kullankii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan laga baasto horyaalka Premier League-ga ayaa goor dhow soo idlaaday.

Kooxda Manchester United ayaa qaybtii hore ee ciyaarta hooggaanka u qabatay xilli uu gool rigoore ah dhaliyay Paul Pogba oo xirnaa calaamadda kabtanka ee Red Devils.

Natiijadaas ayaa lagu kala nastay iyadoo kooxda Leicester City ay isku dayo badan oo ay sameysay ay guuldareysteen.

Markii dib la isugu soo laabtay, se labada macallin ee kala ah Jose oo United horkaca iyo Claudio Puel oo Foxes hooggaaminaya ayaa sameeyay bedello kala duwan.

Balse daqiiqadiihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, waxaa Leicester City niyadda ka dilay difaaca reer England ee Luke Shaw oo Manchester United u gacan geliyay goolkii labaad.

Naadiga martida ku ahayd Old Trafford ayaa xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah dharbaaxo la kulmeysa kullanka furitaanka, inkastoo Jamei Vardy gool siiyay kooxdiisa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR