Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhaweyd waxa uu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhaw Saldhiga Degmada Waaberi.

Qaraxan ayaa waxaa lagu xiray gaari Proof ah oo ay leedahay Shirkad lagu magacaabo Docol oo xiriir ganacsi la leh Shirkadaha Mareykanka ee Muqdisho ku sugan.

Hal ruux ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Qaraxa, xilliga gaarigaan la qarxinaayay ma jirin cid saarnayd waxaana uu yaalay gaariga goobta Baabuurta la dhigto ee Shirkadda Somnet.

Gaariga ayaa la sheegay inuu raaci rabay Sarkaal Kenyan ah oo ka soo dagaayay dhismaha dabaqa uu hoos yaalay gaariga, balse uu ka badbaaday Sarkaalkaasi Qaraxa.

Shirkadda Docol ayaa xiriir ganacsi oo wada shaqeyn ah waxa ay la leedahay Hay,addaha Mareykanka ee ku sugan Xerada Ciidamada Amisom ee Xalane.

Ciidamada Booliska Saldhiga Waaberi oo tagay goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa intii baaris ay ku mashquuli lahaayeen waxa ay ku dhaqaaqeen tallaabo ah inay kala eryaan Suxufiyiinta, sidoo kalena ay xiraan dadka taleefoonada Sawirada ku qaadaayay, amarkaasi oo uu bixiyay Taliyaha Saldhiga Waaberi Mooshin.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR