Ammin ku dhawaad dhawr bilood kaddib ayaa waxaa kulmay  Shirwac iyo Caddaawe, kaddib waxaa Caddaawe u caddaatay in la shirqooley waayo? Waxa hore loogu sheegay in uu geeriyooday oo weliba kooxaha hubeysani dileen, haddase inuu Qabir ku jiro oo weliba la dabin ayaa soo gaadhay.

Caddaawe wuxuu yaqaan oo ogyahay qofka uu yahay Guhaad, in aysan marnaba ka suuroobin inuu dalka iyo dadka hodadaamiyo, shisheeyena u jebiyo, waa nin u dhaartay ilaalin iyo jirida dalkiisa, mana aha suurtagal in xog iyo hub ciidanku leeyahay uu  gudbiyo, arrintaasi waa mid uu si weyn uga biyo diiday, waxaana ku cataabay haddii taasi dhabbowdo qof dambe oo lagu kalsoonaan karaa ma jirto waase inaan ka jibo keena.

Caddaawe waa nin karmeed ad adag oo garasho dheer xeerka iyo dastuurkana ku dhegan  waayo aragnimo ciidana lehe, markuu ogaaday sida wax u jiraan si aan loo dareemin mar kale oo hawshu qarsoodi u noqoto wuxuu arrinkii laba ka mid ah ciidankiisa oo u tababarnaa dhanka xogdoonka iyo dabagalka ciidanka baxsada iyo kuwa wax is dabamariya inay ninkaas hawshiisa soo ogaadaan.

Labadii askari waxa ay yimaadeen xeradii laga xidhay Guhaad si weyna waa u xuuraameen, waxayna qabteen labadii nine e maraga furay, iyaga oo ku eedeeyey inay dileen Guhaad oo sidaa awgeed loo xidhayo loona taxaabayo qabirka haddii aysan si dhab ah uga hadal dhacdada.

Labadii nin argagax iyo filan waa ayaa ku dhacay, waxaana u caddaatay inay gacan adag galeen, markay arkeen aqoonsiga iyo awoodda labada nin waxayna si dhab ah u qeexeen una sheegeen sidii wax u dhaceen ee ay ogaayeen iyaga oo sheegay in awoodna loo sheegtay balanqaadyona loo sameeyey sidaas awgeedna ay  marag been ah ugu fureen. Kaddib ma aysan xidhin waxa ayse u sheegeen inay afkooda haysaan waxay kale oo baadhitaan xooggan ku sameeyeen ragga kale ee ka tirsanaa ururkii uu taliyaha  ka ahaa Guhaad.

Waxa ayna qof walba weydiiyeen Guhaad habdhaqankiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa, si isku mid ah ayay dhammaantood uga warceliyeen, waxayna ku ammaaneen hufnaan, gobonnimo iyo nin dareen wanaagsan oo dalka iyo dadka jecel ayna u sinaayeen dhammaan ciidanka iyo dadweynahaba si wanaagsan ula dhaqmi jirey.

Raadgoob iyo dabagal dheer oo bil ku qaatay ayay ku sameeyeen  Gaashaanle Huruuse. Huruuse waxaa adeer u ahaa Bile Dheere oo ahaa Taliyaha qaybta gobolka Baarcad, Huruuse waa wiil xerada ku dhex dhashay kaddib dhimashadii aabbihiina waxaa hooyadii dumaaley adeerkii Bille Dheere, waxaa kaddib waxbarashadii dugsiga sare hore laga qorey ciidamo loo dirayey dalka dibadiisa, markuu soo noqdayna wuxuu qaatay lana siiyey heerka dhamme buuxa “Kabtan” maalmo markuu joogayna waxaa loo tolay gaashaan, mase jirin dedaal iyo hawlkarnimo uu la yimid kuna gaadhay heerka gaashaanle ee waxaa loogu tolay nin jeclaysi iyo eex  waa nin isla weyn iyo is qaadqaad badan is kalana sarreeya dhammaan xubnaha kale ee taliska.

Huruuse waa nin qaabdarro oo dhami isugu tagtay, wuxuu maagana aan ciddina ka celin, waxaa loo sheegay in Huruuse gobolkan wuxuu doono ka sameeyo qof ka daba hadli kartaana aysan jirin.

Labadii nin ee dabagalka waday  iyagoo raadraacaya oo weli daba socda warbixintii odayga Carraale lagu xidhay ayay soo ogaadeen in liiska ka yimid wasaaradda gaashaandhiga iyo raggii lagu eedeeyey inay gacansaar la lahaayeen xooggaga hubeysan uusan ku jirin Carraale ee ay iyagu ku dareen, waxa ayse garan waayeen waxa ay uga jeedeen xidhistiisa iyo haddana soo dayntiisa.

Raggaas oo magac ku lahaa deegaanka iyo gobolka una badnaa, hantilayaal iyo rag nabaddoona ah ayaa lagu darey isaga iyo laba kalese waa laga badbaadiyey, qaab ay ku badbaadeenna lama oga iyo qaab ay ku soo galeen.

Labadii nin waa Xaashi Sabriye iyo Oogle Macallin, waxay si weyn uga xumaadeen dhacdooyinka is hardinaya ee gobolka ka socda, waxay dib ugu laabteen taliye Caddaawe oo jooga gobolka Negaadi halkaasna kormeer hawleed ka waday.

Xaashi iyo Oogle waxa ay la wadaageen xogtii ay soo uruursheen iyo sida xaalku yahay, taliye Caddaawe waaga ayaa ku baryey marka loo sheegay waxaa halkaas markiiba uga soo baxday in Guhaad gacan nacab galay oo la  xadhigiisa iyo shirqoolkiisa ujeed weyni ka dambeyso dhagar uusana gelina dusha loo saaray, balse xaalku ma fududa oo taliye Caddaawe waa ogyahay in uusan u dhawaan Karin Bile dheere oo ka idaad haysta  golaha sare iyo madaxtooyada.

Haddaba si uu xog dhab ah u helo wuxuu aaday gobolka Baarcad si uu u wareysto Carraale Haybe oo ah Ubax aabbaheed si uu u arko Ubax una weydiiyo inay wax uun ka ogtahay arrinkan,  haddana waxaa usoo baxday in reerkaas laga dhaadhiciyey inuu dhintey, haddana isaga oo aan arag Guhaad uusan u sheegi karin noloshiisa.

Taliye Caddaawe waxaa u taal hawl laba afleey ah oo ah inuu qabirka ka soo saaro si kasta ha noqotee Guhaad iyo in noloshiisa uu caddeeyo oo reerkoodi iyo xaaskiisaba u sheego.

Waxa mar kale si war ma qabto magaaladii u wada yimid taliye Caddaawe iyo labadiisi widaay ee xogdoonka uu hore ugu soo direy, markana waa inay helaan caddeymo muujinaya in arrintan ay maleegeen Bille Dheere iyo Huruuse.

Arrinta la yaabka leh ayaa ahayd markii ay magaaladii ku soo noqdeen ee ay tageen ayaa xogtii ugu horreysay loo sheegay waxa ay noqotey in gabadhii Ubax ahayd Huruuse u geed fadhiistay, loona mehriyey habeen hore, gurigiina  reer Carraalena lagu jiro aroos iyo damaashaad loogu dabaaldegayo reerka cusub.

Arrintan ayaa ciil iyo murugo kale sii gelisay, waxaana markan caddaatay hawshu inay siday moodayeen ee ahayd beegsi qofeed ama arrimo ismaandhaaf ciidan ka qoto dheertahay oo ay tahay dhaxal wareejin.Waxa haddaba is weydiinta mudan ayaa ah, Ubax ma qayb bay ka ahayd shirqoolka mise oday Carraale ayaa ka ahaa, sidee loo ogaanayaa inaysan lug ku lahayn iyo in kale?

Arrimahani waa kuwa sii milqiyey baadhitaanki waxaase cad in shirqoolku ahaa mid lagu dhaafinayey xaaskiisa oo Huruuse iyo adeerkiis maleegeen, lamase hayo waddo cad oo lagu beegsan karo iyo marag xog ogaal ah.

Waxa ay adeegsadeen markaan hab kale oo dhammaan goobihii ay tegi jireen iyo dadkay ku xidhnaayeen ayay tabaas iyo dabagal ku sameeyeen, Cosob gabadh qaadka iibin jirtey si qarsoodi ah oo  ay gurigeeda ku shiri jireen kuna qayili jireen si weyna xogteeda u haysa ayey u gaatameen waxa ayna ku qabteen iyada oo qaad u yimid, qaadku oo markaas ahaa mid ka reebtoon dalka, waxaana qofka lagu qabto gurigiisa iyo hantidiisaba la wareegaysay dowladda, iyagu waxba kama gelin qaadka, waxa ayse rabaan inay Cosob ku gilgilaan si ay xog iyo warbixin ay ka duulaan ugu helaan.

Cosob wey ogtahay inay rag adag ku daaban tahay, balse, markii la tusay aqoonsiga oo ahaa kooxda dabagalka iyo xog doonta ayay baqatay, waxaana loo sheegay in cid badbaadinaysaa aysan jirin.Cosob maaha gabadh gabatee waxay la gashay heshiis inay lacag badan siinayso ayna sii daayaan, arrinkani waa midka ay heshiiska kula ahayd kooxda gaashaanbuurta, balse kuwani maaha kuwa lacag iyo hanti raba waa niman hufan oo ka xalan wax is dabamarin iyo tagrifal awoodeed.

Waxaa loo sheegay in arrinkaasi uusan agtooda ka soconeyn, balse, waxaa lagula gorgortamay inay ku badbaadayso haddii ragga ay doonayaan ay xog  dhammeystiran ka siiso ama ay ka hadliso, xogna ka duubto Huruuse sida uu ku helay iyo sida uu ku hantay Ubax.

Cosob ayaa ka biyo diiday inay xog ka duubto waayo? way ogtahay waxa ay mudanayso haddii ay hawshaas fuliso, bale waxay  siisay xog aysan dhaadanayn markii hore oo ahayd, in Huruuse weligiisba gabadhaa maagana, waagay wada socdeen Guhaadna uu dhawr jeer isku dayey inuu sheeko la wadaago oo iyada lafteeda u dirsaday balse aysans u suuragelin la kulankeeda iska daa wada hadalkeede.Sidaa awgeed uusan ahayn jacaylka Huruuse mid haatan bilowday intii Guhaad baxay ee uu hore ugu jirey.

Halkaasna waxaa u caddaatay in markii hore ay jirtey filasho ah inuu maalin uu heli doono, balse markii lagu xidhay guhaad ee ay marwadiisa noqotey uusan jirin xal aan ahayn in Guhaad lays dhaafiyo ifkana laga qariyo.

Taliye Caddaawe iyo labadiisi widaay waxaa u caddaatay in hawshan si wadajir ah loo qabtay, balse, weli waxa ay moogan yihiin in qoysku qof ka mid ahi wax la waday iyo in kale.

Taliye Caddaawe iyo labadiisi ciidanba waxay si toos ah u abbaareen Taliye Bille Dheere iyo Huruuse, waxaana loo geeyey dhambaal caddeynaya in baadhitaankii la soo celiyey, hawshiina la oggaaday oo ninkaasi uusan dhiman, cidda xidhay iyo arrinka loo xidhayna uu garsoorka ciidanku oggolaaday in la baadho.

Waxay Huruuse iyo Bille Dheere la yaab ku noqotey sida ay ku ogaadeen Caddaawe iyo xertiisu ninka ay godka madoow ku rideen waxa ayna ka shalaayeen, maxaad ugu dari weydeen raggii la laayey ama si gooni ah aad ugu dili weydeen idinkoo shirqoolkana caddeyn uga dhigaya, hadda iyaga ay ku tooman tahay, si kasta oo ay ugu daaban yihiin rag sare oo awood badan, haddana gaashaanbuurtu ma jecla in la ogaado miliqooda iyo dhibta ay maleegayaan, waxaa soo foodsaartay arrin culus oo u baahan si looga dabaasho.

Waxaana loo ballamey in maalinta sabtida lays arko maxaa yeelay Khamiis ayaa la joogay jimcena cidna ma shaqeyso, iyada oo la faray in ay keenaan dhammaan caddeymihii iyo maragii hawshaas ogaa, qof qofna loo wareysan doono, garsoorkii hawsha galayna la gole keeno, arrintani waa mid ciidan awood kasta ha lahaadeen, balse markan kuma tuman karaan si badheedh ah, waana lama huraan inay fulliyaan waayo dhambaalka ay wataan maaha mid ay ka hor iman karaan ama baajin karaan,  “farid ciidan waa yeelmo ninkii diidana isagaa u qoolan”.

La soco qaybaha kale…….

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR