Xiddiga garabka kaga ciyaara kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu ka taggo kooxda ku guulaysatay Champions League ee Real Madrid.

Bale ayaa yiri ma doonayo inaan ka tago kooxda Real, isagoona sheegay in uu udagaalami doono booskiisa koowaad ee Horyaalka Spain iyo kan qaarada yurub.

Laacibka xulka qaranka Wales ayaa si weyn waxaa loola xarriirinayay in uu udhaqaaqo kooxda ka ciyaarta horyaalka ingiriiska ee Manchester United.

28 jirkaan waxaa mugdi uu soo galay Mustaqbaliisa kooxda xilli si weyn kooxda Real Madrid loola xariinayo xiddiga da’ada yare ee kooxda As Monaco Kylian Mbappe, laakiin Bale ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn in uu ka tago garoonka Real Madrid mar uu waraysi siinayay Wargeyska Marca.

Bale ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa uu dhaawcyo kaga maqnaa kulamo badan kooxdiisa, laakiin xiddiga ayaa sheegay in uu yahay ciyaaryahan Real Madrid ah markasta.

Gareth Bale ayaa udhaliyay Real Madrid 9 gool 27 kulan oo uu usaftay kooxdiisa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2016-2017.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR