Waxaa La Dareemay Ad Blocker!

Fadlan Iska Disable-garee Barnaamijka Xaysiinta Qarinaya ee Ad Blocker kadib Refresh-garee Pageka Si uu Warku Dhamaystirani Kuugu Soo Baxo.

Mahadsanid…………..

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Laacibka reer weles ee Gareth Bale ayaa wuxuu xaqiijiyay inuusan waxba kala socon xaalada Cristiano Ronaldo iyo sida uu noqon doono mustaqbalkiisa garoonka Santiago Bernabéu inuu sii joogayo iyo in kale gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda Los Merengues.

Wareysi gaar ah uu  Gareth Bale siiyay wargeyska caanka ah ee reer Spain “Marca” ayaa waxaa soo xigtay dhigiisa dalka England ee “Daily Express” waxaana hadalada Bale uu ka yidhi mustaqbalka Cristiano Ronaldo ka mid ahaa: “Runtii Ma aanan aqrin wax walbo ee quseeya mustaqbalka Cristiano Ronaldo, waxaa wanaagsanaan lahayd in wax walbo ee arintaas ku saabsan aad isagu weydiisaan inuu sii joogayo Santiago Bernabéu iyo inkale”.

Bale ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Dhabtii anigu inta badan lama socdo waxa ay qoraan wargeysyada, mana ka war qabo waxa aad ka hadleysaan idinku, iskaba daa wax kale waxaan la yaabay marka aan maqlay in Romelu Lukaku uu ku biiray kooxda Manchester United.”

Dhinaca kale dhawaan ayeey ahayd kadib markii uu tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho in idib ugu soo laabashada Cristiano Ronaldo safka kooxda Man United ay ka dhigan tahay Howlgal aan suuragal ahayn: “Kuma luminayo waqtigeyga sida aan kula soo saxiixan lahaa  Cristiano Ronaldo, sababtoo ah waa Howlgal aan macquul ahayn, kumana fikiri doono inaan lasoo wareegno sababtoo ah wuxuu muhiim ka yahay halka uu ku sugan yahay”.

Si kastaba dhawaan ayeey ahayd kadib marki ay soo baxeen warar ku aadan in Cristiano Ronaldo uu shaaca ka qaaday inuu doonayo ka tagista safka kooxda Real Madrid, ka gadaale marka lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacago canshuur ah ee laga rabay bixinteeda ee gaarsiisan ilaa iyo 14.7 million euros, waxaana loo mudeeyay in xidigan reer Portugal uu soo hor fariisto maxkamada  31 bishan July si loo dhageysto dacwadiisa.

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR