(Europe) 11 Luulyo 2018. Cristiano Ronaldo  ayaa sagaal sano kaddib isaga soo tagaya gegada Bernabeu oo uu ku dhawaad waxkasta kula soo guuleystay Real Madrid.

Juventus ayaa kula soo saxiixatay adduun dhan 88 milyan oo bound iyadoona jeebka ugu shubi doonta mushaar qaali ah.

Xiddigaha Real Madrid iyo waliba caalamka Isboortiga ayaa ayaa fariimo qiiro leh u diray Ronaldo kaddib markii la xaqiijiyay inuu cago dhiga doono Marwada Duqda ah.

Gareth Bale oo ay dad badani aaminsan yihiin inuusan xiriir fiican kala dhexeyn Ronaldo ayaa bartiisa Twitterka oo ay ku xiran yihiin 17.2 milyan oo dad ah soo dhigay Fariin damqasho leh.

“Ciyaaryahan aan innaba caadi ahayn iyo waliba Xariif heer sare ah.

“Faraxad ayay ii ahayd inaan kaa garab ciyaaro 5-tii sano ee la soo dhaafay. Nasiib wacan Mustaqbalka Saaxiibkeygoow. “.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR