Markale waxay doodi ka dhalatay garsooraha dhex dhexaadin kulanka adag ee Manchester Derby kaas oo ay iskaga hor iman doonaan Manchester United iyo Manchester City.

Jamaahiirta Manchester City ayaa markale ka cadhaysan in kulanka Manchester Derby loo doortay garsoore Anthony Taylor kaas oo daris la ah garoonka Old Trafford.

Xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxaa sidan oo kale muran u abuuray garsoore Anthony Taylor oo loo doortay in uu qabto kulankii Etihad Stadium iyada oo ka hor kulankaas ay jamaahiirta Man City si wayn uga qayliyeen.

Kulankii Manchester Derby ee November 2018 waxaa dhex dhexaadiyay garsoore Anthony Taylor waxayna taasi keentay in jamaahiirta Man United ay cadho badan muujiyeen laakiin kooxda Guardiola ayaa guul 3-1 gaadhay.

Advertisements

Laakiin jamaahiirta Man City ayaan wali aaminsanayn in ay cadaalad tahay in garsoore Anthony Taylor oo ku nool meel wax yar u jirta Old Trafford in uu qabto kulanka Manchester Derby.

Manchester City ayuu muhiimad wayn u leeyahay kulanka Manchester Derby sababtoo ah in ay 11 dhibcood hoos uga dhaceen Liverpool oo kaalinta kowaad ku jirta, wuxuuna Guardiola ogyahay in guuldaro ama barbaro ka soo gaadha Man United uu rajada kooxdiisa sii xumayn doono.

Manchester United ayaa iyada lafteedu ku jirta xaalad jaho wareer ah waxayna si wayn ugu baahan yihiin guul ay ka gaadhaan Man City oo ay xili ciyaareedyadii la soo dhaafay ay dhibaato kala soo kulmayeen.

Man United ayaa wali ka hoosaysa Arsenal oo tababarihii kooxdeeda shaqada laga caydhiyay waxaana la filayaa in kulanka Manchester Derby uu xaaladeeda sii xumayn doono haddii ayna natiijo fiican helin.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha Man City ayaa ka cadhaysan in garsoore Anthony Taylor uu markale dhex dhexaadin doono kulanka Manchester Derby iyaga oo u arka in uu Man United u xaglin doono.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR