Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa tilmaamay cidii sababta u ahayd guuldaradii kooxda Man United ka soo gaadhay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League kana dhacay garoonka Camp Nou.

Gary Neville ayaa weerar ku qaaday xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba kadib guuldaradii Red Devils ka soo gaadhay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa tartanka champions League.

Neville oo la hadlaya shabakada beIN SPORTS ayuu yidhi” Pogba waxa uu Solskjaer ugu ciyaaraa sidii uu ugu ciyaarayay Jose Mourinho, waxan u malaynayaa in uu Pogba ahaa mid aad u xun oo naftiisa la ciyaarayay”.

“Waxa u muuqatay in uuna Pogba wax dan ah ka lahayn muhiimada kulanka, Pogba waa xiddig cajiib ah oo noqon kara xiddigaha ugu fiican adduunka laakiin waa in uu diirada saaro qaab ciyaareedkiisa.

Kooxda Barcelona ayaa 3/0 ku garaacday kooxda Man United iyada oo uu 2 gool dhaliyay kabtankooda Lionel Messi ka hor inta uuna xiddigii hore ee Liverpool ee Philippe Coutinho dhalin goolka kale.

Kooxda Barcelona ayaa haatan sugi doonta kooxda ay la ciyaari doonto Semi-finalka kulanka caawa dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Fc Porto iyada oo midkooda soo baxa wada ciyaari doonaan.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR