(Milano) 13 Feb 2018– Gennaro Gattuso ayaa la sheegayaa inuu yahay macallinka ugu mushaharka yar horyaalka Serie A, maaddaama uu macallinka AC Milan uu weli kooxdiisa ugu shaqeeyo isla tibxihii heshiiskii da’yarta Primavera oo uu awal laylinayay.

Raacihii hore ee khadka dhexe ayaa bishii Nofeembar xilka kala wareegey dhiggiisii la eryey ee Vincenzo Montella, yeelkeede, Gazzetta dello Sport ayaa werinaya in uu waawaynka Rossoneri weli ka qaato isla mushaarkii uu ku wadey kooxda yaryarka, taasoo ka dhigan inuu sanad-ciyaareedkii qaato €120,000.

Taasi waxay Ringhio ka dhigaysaa macallinka ugu lacagta yar Serie A, waayo ninka ugu soo dhowi waa Fabio Pecchia oo Verona wata kaasoo booska 19-aad ku jira maaddaama uu qaato €250,000 fasal-ciyaareedkii.

Macallinka Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa la sheegayaa inuu yahay macallinka ugu mushaharka badan Talyaaniga isagoo sanadkii xareeysta €7m oo euro, waxaana xiga midka Inter ee Luciano Spalletti oo qaata €4m.

Vincenzo Montella ayaa isagu Milan ka qaadanayay €3m oo euro sanadkii, kahor intaan la cayrinin.

Waxaa socda warar sheegaya inay Milan doonayso inay ugu yaraan sanad ku darto qandaraaska Gattuso, iyadoo sidoo kale dib u eegis iyo quseeyn ku sameeynaysa kharashka uu qaato oo la kordhinayo.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR