Mudanayaasha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi
ah u ansixiyay Sharciga Saxaafadda dalak, oo ay hor geysay wasaaradda
Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka
lagu ansixiyay Sharcigaan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare
Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka
iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha
waaxyaha ee wasaaradda Warfaafinta.

Kadib dood dheer oo Goluhu ka yeeshey sharcigaasi warbaahinta iyo sidii loo ansixin lahaa ayaa ugu dambeyntii, waxay isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo.

Wasaaradda warfaafinta, ayaa sheegtay in Sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay  warbaahinta dalka, waxaana horay u soo ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR