Tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league ayaa meel xaasaasi ah maraysa kadib markii ay xidigaha safka hore ku jira ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Raheem Sterling dhexdooda afar gool ka soo dhaliyeen kulamadii axadii xalay.

Sergio Aguero ayaa galay xaalad gool la’aan ah waxayna taasi keentay in lagala wareegay hogaaminta gool dhalinta Premier league waxaana hadda safka ugu horeeya soo galay Mohamed Salah inkasta oo ay Aguero isku goolal yihiin.


Iyada oo marka ay ciyaartoydu isku goolal yihiin ay jiraan waxyaabo lagu kala saaraa, waxaa hadda kaalinta kowaad ee gool dhalinta Premier league si sharci ah ugu fadhiya Mohamed Salah oo 19 gool yeeshay, waxaana kaalinta labaad ku jira Sergio Aguero oo isla 19 gool haysta.

Mohamed Salah iyo Sergio Aguero ayaa iskaga mid ah min 19 gool iyo min 7 gool caawin laakiin Salah ayaa ku sare maray in uu noqday xidiga ku danbeeyay gool dhalinta premier league. Mohamed Salah ayaa gool ka dhaliyay kulankii Chelsea halka Aguero uu gool la’aan kale ku sii jiray.


Sadio Mane ayaa isna cadaadiska soo saaray Aguero iyo Salah wuxuuna yeeshay 18 gool kadib markii uu Mane dhaliyay goolkii furitaanka ee Liverpool ka dhalisay kulankii Chelsea wuxuuna hadda Mane haystaa fursad uu ku soo qaban karo Aguero iyo Salah afarta kulan ee Liverpool baaqiga u ah laakiin Aguero waxa uu haystaa kulan dheeraad ah.

Raheem Sterling ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii Crystal Palace wuxuuna soo qabtay gool dhalintii Harry Kane iyo Aubameyang oo min 17 gool hore u haystay wuxuuna hadda Sterling laftiisu helay fursad uu ku sii baacsan karo sadexda xidig ee ka sareeya.

Aubameyang oo haysta fursad uu gool dhalintiisa ku sii wadan karo kulanka ay Gunnars la ciyaarayso Watford wuxuuna sidoo kale haystaa kulamo ka badan inta ay xidigaha kale haystaan.

Haddaba halkan kaga bogo Kala Saraynta Gool Dhalinta Premier league Ee Kulamadii La Soo Ciyaaray:

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR