MILAN, ITALY – SEPTEMBER 23: Gonzalo Higuain of AC Milan celebrates after scoring the opening goal during the Serie A match between AC Milan and Atalanta BC at Stadio Giuseppe Meazza on September 23, 2018 in Milan, Italy. (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)

Gonzalo Higuain aya si cadha leh uga dalbaday kooxdiisa AC Milan In uu u dhaqaaqo Chelsea, taas u muujinaysa xiisa waali ah.

Tababare Maurizio Sarri ayaana doonaya in uu la wadaago weeraryahanka Argentine, kaas oo ay iska soo shaqeeyeen Napoli.

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Napoli, Juventus, iyo Real Madrid oo waqtigan amaah ku jooga Milan, ayaan ku qanacsanayn joogista garoonka San Siro.

Corierre dello Sport report ayaana baahisay in Higuain uu diyaar u yahay in uu kubiiro kooxda Chelsea.

Kooxda Stamford Bridge ayaa doonaysa in ay soo qaadato weeraryahan ay baddal uga dhigto Alvaro Morata, kaas oo ku fashilmay in uu helo kasoonida tababare Sarri.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR