(Moscow) 11 Luulyo 2018 Xulka qaranka Croatia ayaa caawa guul ka gaaray dhigiisa England oo ay wada ciyaareen Semi final-ka koobka adduunka.

Croatia ayaana la ciyaaraysa Final-ka koobka adduunka xulka qaranka France oo xalay guul ka gaaray Belgium.

Kulanka kama danbaysta koobka adduunka ayaa la ciyaarayaa Axada taariikhduna ku beegan tahay 15-ka July, saacaduna tahay 6-da maqribnimo ee waqtiga bariga Afrika.

France ayaa doonaysa ku guulaysiga koobka adduunka markii labaad ee taariikhda, halka Croatia ay raadinayso markeedii koowaad.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR