Naadiga Liverpool ayaa xagaagan kalluumeysatay suuqa kala iibsiga iyadoo loo arko mid si fiican isu qalabeysay sida ay dad badani qabaan.

Reds ayaa ku hungowday ku guuleysiga Champions League-ga xilli ciyaareedkii hore iyadoo la xasuusto inay dhaawacyo qabeen Alex Oxlade-Chamberlain, Emre Can oo dhaawac ku ciyaaray iyo Milner oo kabsasho ku jiro, sidaas oo ay tahayne beddel loo waayay.

Dadka taxliiliya kubadda cagta gaar ahaan suuqa kala iibsiga ayaa aaminsan in guuldarradaas ay cashir u noqotay kooxda Macallin Jurgen Klopp.

Balse macallinka reer Germany ayaa dafiray middaas isagoo caddeeyay in qorshahooda suuqa uu ka horreeyay Final-kii Champions League-ga.

Naby Keita ayaa ay xagaagii hore la heshiiyeen, halka ay liiska ku darsadeen ciyaaryahan kaba Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ama beddel u noqda Philippe Coutinho, sida uu Klopp caddeeyay.

Waxaana uu raaciyay in ay ka war qabeen in xagaagan Emre Can oo si bilaash ah kaga tagi doono, balse qorshaha goolhayaha uu ku dhashay markii ay ka war heleen in Alisson uu suuqa yaallo.

Macallinka reer Germany ayaana xaqiijiyay in aysan goolhaye baadi goobi lahayn haddii uusan Alisson Becker suuqa ooli lahayn.

Gunaanadkii, Macallin Klopp ayaa xilli ciyaareedkan diyaar u ah inuu hardan u galo tartanka horyaalka Premier League-ga iyo koobka Champions League-ga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR