GORFEYNTA NOLOSHII SILLOONEYD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

  • Magaca Dhiganaha: Noloshii Sillooneyd.
    • Qoraha ebyey: Cabdiraxiin H. Galayr
    • Bogagga: (209 bog).
    • Hormooyinka: (5 hormo) oo dhan isula jeeda, marna aan is burrineyn.
    • Mucda iyo miida dhiganaha: Sooyaalkii silloonaa ee la soo gudbey Qodbiddiisa iyo siiyaalka imaan doona haloosigiisa.
    • Daabacaadda: (Laashin Publishers and Publications), daabacaaddi koobaad.

Maxay ka dhigan tahay Nolol Silloon?

Nolol silloon waa laba eray oo iska caadyaal ah, aadna loo adeegsado. Ma ahan weero ku adag afkeenna hooyo, balse, waa laba weerood oo isa saaran lidna isku ah. Mid waa Nolol waxay ciribsataa wax kasta ee soo hoos gala nolosha, dhanka kale waxay tilmaantaa wax kastoo nool iyo habkeey u noolyihiin intaba.

Weerta labaad oo ah tan sida tooska ah u sidda mug weynida buugga ayaa ah; walax “silloon” waxay ka dhigan tahay; “walax lagu silcey, lagu saxariiray, lagu rafaaday, lagu gablamey, lagu geeriyooday, loona god galay. Waa sidaas! Waa sheeko werinaysa noloshaas Silloon iyo Sooyaalkii ay lahayd.

Sidaan soo sheegaba labada eray ee dhiganaha loogu wanqalay, kan dambo ee “SILLOON” ayaa leh anfariir!! sidaa aawgeed waxan in yar dul istaagayaa, waxay ay ka yiraahdeen hal abuurka afkeenna hooyo, waa abwaannada suugaanleyda ah e. maxay ku tilmaameen “SILLOONEYD?”

Abwaan Maxamed Gacal Xaayow (AUN) waxa uu ku tilmaamey guurowgii “Su’aal furan” sidaan:-

  •  Waxa suulay dhaqankii hiddaha, Saafi ku ahaaye
     Safar dhibe jid gooyaa batiyo, Saaraq iyo tuuge
     Adoo sarar ku miinliyo carruur, Saad u jirinaaya
     Ma sabraan ma seexdaan hadaan, Soorta loo karine
     Haddaad socoto suuqyada guryaha, Meesha kala soocda
  • Nin surwaalka gaabsaday haddoow, Subixi kuu yeero
    Soo soco gacmaha sare u taag, Waa SILLOONTAHAYE
    Sandullowna kugu baarayaa, Seedda muruqaahe
  •  Sabool baahan wixii laga dhacaa, Waa sun iyo booge
    Dhalinyarada Soomaalidee, Sida xun caadaystay
    Sinjigeey beddelatee wixii, Sababay ceebaalka
  •  Sahalaan jawaab uga rabaa, Waa su’aal furane.

☆☆☆☆☆☆

Sheekh Cali Majeerteen (AUN) asna wuxuu 1935-tii ku bidhaamiyey sidaa:

  •  Siinyeen sidaad aadmi tahay, waad SILLOONTAHAYE
     Fircoon baa sallaan dheer dhigtoy, seegtay taladiiye
     Nin waloo suldaan ihi ka socoy, soof wuxuu dhaqaye
     Sakadayska bixi yaad ku dhicin, solayga Naareede!
     Ninba saaka wuxuu geystey baa, saaddanbaw imane
    Salaaddana ha daynina Jannaa, la isku siiyaaye.

*****
Cali Cilmi Afyare (AUN) asna waxa uu yiri, mar uu geela ammaanayey:-

*****
Abwaan Maxamed Xuseen Faarax asna waxa uu ku tilmaamey sidaan:-

  • Waataas sebiyadii ay dhaleen, Laga sidkaayaaye
    • Waataas santuuqayada kuleej, Lagu siyaartaaye
    • Waataas la dhaqan suuliyoo, Ceeb sakaar warane
    • Waataas sidii saxar bidbidi, Heegadaa sara’e
    • Waataas sursuur halisa iyo, Saalo caaridaye
    • Waana taas sifadii Aadminimo, Aan salkulahayne
    • Saakana halkeey sahansataye, ay ku sii socoto
    • Inuu samatabixiyoo ILLAAH, sacido mooyaane
    • Saadaaladeediyo rajadu, way SILLOONTAHAYE
    • Si ka daranna waa la la rabaa, say haddeer tahaye.

*****

Ha moodin in dhiganuhu kuu sheegayo wax aad ogtahay, hana u qaadan inuu siyaasaddii sirgixneyd iyo kuu suuraynayo siyaasi ham-hamle ah. Maya! Intaasba maahan ee waa sheeko maantuujis ah, qoraaguna go’aansaday inuu garaadka bulshada ku dhiso. Waad ila garatay in dhiganuhu sido “maandhis bulsho” haah! Waa intaas oo qura!!

Wuxuu dhexda kaa qotominayaa noloshii sillooneyd ee ay soo mareen bulshada Soomaaliyeed waayihii dhexe iyo kuwii damboba. Si gaar ah waxa uu kuu barayaa halka aan ka taagneyn diirnaxa iyo isu damqashada ku dhisan dareencelinta. Tusaale: haddii lagu yiraa; kaasi waa wadaad hebel ama sheekh hebel, waxaad gucanaysaa, inuu yahay ruux naxariis badan oo diirnaxaya, sabab kale maahan ee waxa kuu sawirmaya inuu yahay qof yaqaanna sida iyo habka Eebbe looga cabsado loona caabudo.

Dhanka kale markii lagu yiraa; kaasina waa mooryaan, Jirri, day-day, waxa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya, tuug Eebbe ka furtey oo burcad qawlaysata ah iyo gole lagu hoogay, naxariistuna ka guurtay.

Balse, dhiganaha Noloshii Sillooneyd ayaa daaha kaaga rogaya inay carra-edeg buuxaan dayday wadaaddada ka damqasho iyo dareen badan, waa dhanka naxariisashada e.

Hubaal in bulshadu isku dhex milan tahay, dareenka damqashaduna yahay mid Eebbe bixiyo ee aanu ku xirneyn, wadaad iyo waranle midna.

Dhiganaha “NOLOSHII SILLONEYD” Markii aad aqriso ayuun baad ogaanaysaa ujeedka muga leh ee haddana murtiyaysan ee qoraagu ku dhaaday. Af-aqoolnimada, farshaxanka iyo hab qoraaleedka lagu lib xiray ayaad ka garanaysaa inaan maalmo iyo muddo kooban lagu qorin.

Waa dhigane tebinaya dhacdooyinka nololeed ee aad is leedahay, markaad aqrinayso, waa kuwii adiga kugu dhacay, balse qoraagu curiyay oo uu maskaxdiisa ka shiilay.

Waxaa ku soo jiidanaya habka qoraalka ee habeysan oo aan laysku tafin iyo tusmooyin kugu sii xiraya bogagga kale inaad sii rogrogto. Qoraagu waxa uu noo dhigay dhaxal qoraaleed aanu ku dhaashanno, garasho iyo garaadna noo kordhinaysa. Sidaan soo xusaba waa sheeko curis ah, dareen laxaweedkeeduna uu dahsoon yahay, taas oo ay sii hareera yaalliin tuhunno gucasheed ka dhashay noloshaas silloon.

Waa sheeko sida bila dayihi (Muraayad) dhinacyo badan kaa tusaysa qaran burburkii ku dhacay bulshada Soomaaliyeed hor iyo dibba. Waa sheeko hortaada keenaysa wixii xakaar ahaa ee ka dhacay dalkeenna, taas oo ah dhibaato ekaysay cagtana wada marisay guud ahaan anshaxii bulshada Soomaaliyeed, dhaqan ahaan iyo dhur ahaanba!”

Sheekada waxa daadihinaya SAMATARYARE, Samataryare waa wiil yar oo nolosha ku silcaya ee anigoon amminka kaa lumin ii oggolow inaan kula wadaago, faraqyada dhiganaha:-

Xilligu wuxuu ahaa xilli kaliileed kul iyo hugaar leh oo xambaarsanaa sansaan dayac iyo murugo leh! Wuxuu ahaa ammin uu dareenku soo gudbinayey is nacayb kala irdhoobid ah oo nabadda sii fogeynayay! Wuxuu ahaa seban, si cadawtooyo iyo garasho xumi ah loo sii ka la durkinayay walaalihii iyo sokeeyihii ab ka ab isa soo jeclaa ee deegaanka jaalka ku wada ahaa, sida farxadda iyo deris wanaagga ahaydna ugu soo wada noolaa.

Wuxuu ahaa, xilli buun colaadeedka dagaal kicinta ahi uu geyiga Soomaaliyeed oo idil ka wada dhawaaqay, loona sii bira tumanayay daadinta dhiigga sokeeye iyo dagaallo aan qorshe laheyn oo aan la aqoonnin u la jeeddada iyo sababta loo oogay kicintooda iyo guulaha laga gaari karo, maadaama ay ku tiirsanaayeen caqli hoos u janjeera. Isku soo wada duuboo idil ahaantoodba waxay ahaayeen, balo kicin iyo aafooyin uu gunaanadka raad danbeedkoodu ahaa mid uu mugdi ku jiro oo aan dhab ahaantii la sii oddorosi karin natiijada ka soo baxaysa, balse, xumaan uun ku wada abtirsanayay.

Xilligaasi halaagga iyo ka la guurka ahaa oo naaneysta magac bixintiisu ay ahayd 《Dambar-dhiig!》kuna beegnaa tilmaan abbaarta gugii 1987dii, ayuu Samataryare ku dhashay tuulada (Geed gaab) oo hoostagta degaanka (Waran ma moog) halkaasi oo ah meesha ay dhibaatooyinka iyo mashaqooyinka ugu badani ay ku kor habsadeen. Waa iska xaal adduune, Samataryare, isaga oo gu’ kaliya jira, ayey ku dul billowdeen dagaalladii u dhaxeeyay jabhadihii carcarta qabay ee sida kulul u jibbeysnaa iyo dowladdii millatariga aheyd ee markaa xukunka dalka heysay.

Arrinku si kastaba ha u dhacee, Samataryare noloshiisu, waxa ay la kowsatay dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan dagaallo, qax iyo gaajoba leh, waxayna colaadahaasi sababeen dhimasho iyo in uu Samataryare ku waayo Aabbihii iyo laba wiil oo walaalihii ahaa oo isaga ka waaweynaa, taasoo Samataryare u aheyd geeri naxdin leh iyo mugdi noloshiisa la soo dersay.

Samataryare, geerida Aabbihii iyo walaalihii ka dib, waxaa u soo hadhay hooyadii oo uu si aad ah u jeclaa. Ayaandarro iyaduna isaga oo seddex jir ah, ayey sababsatay dagaal iyo duullaan lagu soo qaaday halkii ay u qaxeen, taasi oo Samataryare dhex fariisisay nolol darxumeysan oo qax, dhibaato iyo dhimashaba laheyd.

Samataryare oo markaa waayay aabbihiis, walaalihiis iyo hooyadiisba, ayaa si rajannino iyo agoonnimaba ahayd u dareemay murugu iyo mugdi habeen iyo maalinba ku hareereysan, hasa ahaatee, wuxuu hiil ka helay oo halkaas ka soo qaadatay, ayeeydiis Timiro oo ahayd ayeeyada hooyadii dhashay oo markaa iyaduna da’ aheyd, waxayna u soo kaxeysay oo ay la timid magaalada Doonyaaley.
Samataryare markii uu saanqaad noqday oo uu raadka dhaqaajiyay, intaasna uu nolol adag iyo silic uun ku soo dhexjiray, ayaa haddana, waxaa geeriyootay oo ay tii Alle u timid ayeeydii Timiro oo ahayd qofka kaliya ee uu wehel oo dhanba ka heystay.

Samataryare mar kale, waxaa u dumay habeen baas! Waxaa u baryay waa aan wanaagsanayn, waxa uuna asiga oo aan ka warqabin dul yimid meydka ayeeydiis oo ku naf baxday salligii ay ku tukatay Salaadda subax! Ma uusan ogeyn mana yaqaan dhimasho iyo nooceeda, hasa yeeshee, Samataryare wuxuu isku dayay inuu la hadlo oo uu la sheekaysto marka uu hurdada ka soo kacay. Waa ammin hiraab ku beegneyd xilli uu ileyska waaga subax oo soo bidhaamayay. La ma oga ayeeyo Timiro, goor uu mowdku haleelay ee ay naftu ka baxdey, waxaase la ogaa in ay aheyd waayeel xanuunsan oo qabtay cudurka neefta!……🔛

Afeef hore lahaaw ama adkaysi dambo waa mahmaah gun dheer, horena loo yiri. Mar kalena waxaa la yiri; “Aqalkaaga hortiisa ood weyn baa la dhigtaa,
hadalkaaga hortiisana afeef baa la dhigtaa”. Anigu se waxaan leeyahay; “ogaal wacan lahaaw ama aqris badan” marka gorfeyntaydu ka ma dhigna, in dhiganuhu uusan dhaliil yeelan ee waa qofba dhanka uu ka joogsado, anoon tixgelinsiineyn wixii cillad fikir, farsamo ama qalad daabacadeed ah. “dhugasho dhiifoon.”

Dhiganaha “NOLOSHII SILLOONEYD” waa dhigane aadan ka xiisa dheceyn dheehashadiisa, waa dhigane kugu hagaya dhabbiga toosan, si dhab ahna kaaga digaya inaan silica iyo silloonida lagu gaareyn meel sare, naxariis darraduna kasii xag jirsan tahay. Qoraagu waxa uu ku dhiirradey qodob aan la soo hadal qaadin, bulshaduna iska illowday, haddana ah qodob laga ma maarmaan u ah ummaddeenna. Waa dhigane xeerinaya in ubadka derbi jiifka ah dhug loo yeesho, lana baaro dhibaatadii ku qasabtay inuu dabaasho noloshaas adag. Waxa uu si cad hortaada u keenayaa buuggu, noloshaas adag si aad u dareento inay jiraan kuwa kula mid ah oo nolosha geed dheer laga saaray. Dhanka kale waxan ka marneyn inaad qaanac ku ahaato, inta aad haysato ee nolosha kaa soo gaartay.

Ha u daymo la’aannin, waa dhigane aad ka dheefi doonto maan kobcin e.

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com

Shiribmaal@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR