Xildhibaanada
cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankii
ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ajendaha
kulanka mudanayaasha Baarlamanka waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga soo
diyaarinaya doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku
xigeenadiisa.

89
Xildhibaan ayaa kasoo qeyb galay kulanka kuwaas oo meel-mariyay Guddi ka kooban
15 xubnood oo Xildhibaanada ka mid ah oo soo diyaarinaya  doorashada guddoonka oo dhawaan la filayo
inay ka dhacdo Baydhabo.

Mudanayaasha  cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay waxaana horyaalla shaqooyin kala  oo laga doonayo in ay qabtaan oo ay ugu horrayso doorashada Guddoonka Baarlamanka.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE