Guddiga tirakoobka iyo dib u habaynta casriga ah ee ciidamada Puntland ayaa maanta gaaray fariisimaha ciidamada ee buuraleyda Galgala.

Wafdigan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Abdisamed Mohamed Gallan iyo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yasiin Omar Dheere ayaa u jeedkoodu ahayd u guur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland ee ka hawlgala buuraleyda Galgala oo maalmihii u dambeeyey tirakoob iyo diiwaangalin casri ah lagu sameynayey.

Intii ay wafdiga ku sugnaayeen Galgala waxay xog wareysi la yeesheen qaar kamid ah ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan, sidoo kale waxay booqdeen goobo taariikhi ah oo ay ka mid tahay Isha biyaha Galagala.

Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku howlanayd tirakoob iyo dib u habayn ay ku sameynaysay ciidamada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u balanqaaday in uu dhisi doono ciidamo tiradooda iyo tayadooda la hubo.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR