Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii lagu sameeyay, kadib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu xilkaasi ka qaaday.

Saacado kadib xil ka qaadistaasi, ayaa Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug wuxuu si cad u diiday xil ka qaadistaasi, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uusan xilkaasi ka qaadi Karin.

Warqadda xil ka qaadista ayuu sheegay inuu ku arkay baraha Bulshada, islamarkaana wadatashi uu la sameeyay xubnaha Odayaasha & dadka deegaanka, kadib inay u soo baxday xil ka qaadistaasi inaysan sharci aheyn.

“Shacabka ku nool Gobolka Mudug & Odayaasha Dhaqanka ayaa wadatashi u fariistay, wadatashigaasi waxaa ka soo baxay in xil ka qaadistaasi ay tahay arrin sharcidaro ah, islamarkaana illaa hadda aanan la garaneyn waxa ay ku timid arrintaasi, Madaxweyne Xaaf xilligaan wuxuu ku jiraa marxalad kala guur ah.” Ayuu yiri Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee xil ka qaadista lagu sameeyay.

C/rashiid Xaashi Cartan ayaa sheegay inuu shaqadiisa sii wadanayo, waxaana uu tilmaamay in wax kasta ay salka ku hayaan rabitaanka shacabka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Digreetadii xil ka qaadista aheyd ee Madaxweyne Xaaf ayaa soo baxday habeen hore, lagumana sheegin wax sabab ah oo xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee diidan xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR